Hargaysa: Madax Dhaqameedka Oo Shacabka Ugu Baaqay In Ay Muujiyaan Midnimo

0
205

Hargeisa (HP): Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan midnimado, oo ay garab istaagaan ciidamada Qaranka JSL.

Madax-dhaqameedkani oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Somaliland ay leeyihiin awoodii ay hore u lahaayeen.

Waxaanay tilmaameen inuu qorshahoodii yahay ka madax-dhaqameed ahaan inay degaanka Oog ugu tagaan, ciidamada Qaranka si ay u dhiirigeliyaan ugana mahadceliyaan difaacad Qarankooda ee ay habeen iyo maalin u soojeedaan.

Sidoo kale waxa ay bulshaweynta JSL ugu haaqay in ay midoobaan, oo difaaca Somaliland ay meel uga soo wada jeedsataan, isla markaana laga gudbo far ku fiiqiista hebel iyo hebelowyo, danta guud la wada ilaalinayo.

Madax dhaqameedkaasi waxay intaas ku dareen in wax walba laga horreysiiyo midnimada iyo difaaca Somaliland.

Waxaanay bulshaweynata Jamhuuriyadda Somaliland ka codsadeen in ay ka warsugan tallaabada ay qaadayaan ciidamadu.

Dhanka kale waxa ay sheegay inay degmada Ceel-Afweyn u tagi doonaan xal u helista shaqaaqo ku dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega.

Iyagoo na ku baaqay inay qoriga dhigaan oo nabada qaataan, waxkasta oo lakala tabanayana lagu dhammeeyo miiska wada hadalka.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here