Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Tababar U Xidhay Badhasaabyadda Dalka

0
489

Hargeysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL ayaa soo geba-gebeeyey shir muddo laba cisho u socdey gudoomiyeyaasha gobolada dalka.

Maxamed Kaahin Axmed, waxaa xidhitaanka tababarkani ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil.

Tababarkaasi ayaa mudadii uu socday diiradda lagu saaray adkaynta nabad geliyada guud ee dalka, xoojinta wadashaqaynta wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo gudoomiyeyaasha goboladda dalka.

Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa tababarkaasi dar-dargelinta hawlaha culus ee ay qaranka u hayaan gudoomiyeyaashu iyo horuumarinta dhinaca Mashaariicda ee goboladu.

Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa guddoomiyeyaasha goboladda ee uu kulanka u soo xidhay kula dar-daarmay in ay hawlahoodda shaqo waafajiyaan waxyaabihii ay tababarka ku qaateen.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here