“Beeshayadu dulmi ijtimaaci ah ayay tirsanaysaa Kulmiye na wuxuu noogu darray”…

0
383

Hargaysa (HargeisaPress)–Suldaan abu Sufyaan Maxamed Muuse Nuur, oo ka tirsan madax dhaqameedka beelaha la hayb-sooco ee Somaliland ayaa tiiq-tiiqsi iyo meel ka dhac ku tilmaamay waraaq uu shalay soo saaray xisbiga Kulmiye.

Waraaqdaasi uu shalay soo saaray xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexnaa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbigaasi Axmed Cabdi Dheere, ayaa lagu sheegay in xisbigaasi uu lacagta Deebaajiga ah ah dhaafay murashaxiinta iska sharaxaya xisbigaasi ee  ka soo jeedda beelaha la hayb-sooco iyo haweenka.

Hase yeeshee, suldaan Abu Sufyaan, oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay  in iyadoo markii horeba ay beeshoodu tirsanaysi dul in hadana xisbiga Kulmiye uu ugu sii daray dulmi siyaasi ah.

Waxaanu intaas raaciyay suldaanku in aanay jirin haba yaraatee wax murashaxiin ah oo uu xisbiga Kulmiye ka aqbalay beeshood, isla markaana aanay garanaynin sababta uu hadana waraaqdaasi u soo saaray.

Suldaan Abu Sufyaan, waxa kaloo uu sheegay in beeshoodu ay hore ugu gaysay murashaxiin ay doonayaan in xisbigaasi looga sharaxo, balse uu guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Kulmiye ka diiday in arrintaasi.

Sidaas darteedna, iyadoo uu murashaxiintii beeshoodda ka diiday in xisbigaasi laga sharaxo uu hadana sheeganayo waxyaabo meel ku dhac ku ah beeshaasi, taasoo ceeb ku ah xisbiga Kulmiye sida uu yidhi suldaanka oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa.

DAAWO: SULDAAN ABU SUFYAAN OO ARRIMAHAAS KA HADLAYA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here