UCID Oo Canbaareeyay Dhaawacyo Booliska Hargaysa Kula Kaceen Gabadh Weriye ah

0
595

Hargaysa (Hargeisa Press): Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa canbaareeyay fal gacan ka hadal ah oo ay ciidamadda booliska saldhiga Qudhac-dheer ay kula kaceen wabadh weriye ah iyo hooyadeed.

Gabadha weriyaha ah oo magaceedda la yidhaahdo Hoodo Garays, isla markaana ka hawl gasha Horyaal TV, ayaa iyada iyo hooyadeed oo baabuur la wada socday waxay habeen hore dhaawacyo gacan ka hadal ah u gaystay ciidamadda booliska ee sladhiga xaafadda Qudhac-dheer ee magaaladda Hargaysa.

Tallaabadaasi ayuu xisbiga UCID ku tilmaamay mid ka baxsan anshaxa iyo dhaqanka suubaan ee Soomaalida, isla markaana ah ficil fool xun oo ceeb ku ah ciidamadda booliska Somaliland.

Masuuliyiin sar  sare oo ka tirsan xisbiga UCID oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta guud ee xisbigaasi waxay ugu baaqeen taliska booliska Somaliland in ay arrintaasi jawaab cad ka bixiyaan.

Gabadhan weriyaha ah ayay boolisku dhaawacyo u gaysteen, kadib markii sida ay iyadu warbaahinta u sheegtay ay jid dil iyo gacan ka hadal kula kaceen xili ay iyada iyo hooyadeed wada saarnaayeen baabuur ay gabadha weriyaha ahi wadatay.

Dhacdadaasi ayaa maalmahan si weyn loogu hadal hayay baraha xidhiidhka bulshadda ee Internet-ka, tallaabadaasi oo ay guud ahaanba bulshadu si weyn u canbaaraynayeen, isla markaana ku tilmaameen mid ceeb ku ah booliska.

Dhinaca kale, weriye Hoodo Garays, ayaa weli ku xidhan saldhiga booliska xaafadda Qudhac-dheer ee magaaladda Hargaysa, arrintaasi aan ilaa hadda si cad loo ogayn sababta ay weriyuhu u xidhan tahay, iyadoo ay dhaawacyo qabto.

DAAWO: Masuuliyiinta UCID Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here