Badhasaabka Sool Oo Bulshadda Gobolkaasi Ku Bogaadiyay Sidii Ay Uga Qayb Qaateen Doorashadda

0
455

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa ku bogaadiyay shacabka gobolkaasi sidii xilkasnnimada iyo ilbaxnnimada lahayd ee ay uga wada qayb-qateen habsami u socodka doorashada.
Sidoo kale badhasaabku waxa uu ku amaanay qaybaha kala duwan ee ciidamadda hanaankii wanaagsanaa ee ay sugeen amaanka intii ay socotay codaynta iyo doorashadu.
C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu hanbalyo u diray xuldhibaanadda goleyaasha Wakiiladda iyo deegaanka ee guulaystay ee gobolka Sool.


Waxaanu yidhi, “Ugu horrayn waxaan bogaadinayaa, dhammaan shacabka Sool, ciidammada amaanka, murshaxiintii xisbiyada Qaran ee Doorashooyinkii Dawladaha Hoose iyo wakiillada.
Waxaanan ku ammaanayaa iyagoo isku dhan sida xilkasnnimada ilbaxnnimada leh ee ay uga wada qayb-qateen habsami u socodka Doorashada.
Waxaan hanbalyo u dirayaa, xubnaha golaha degaanka iyo golaha wakiilada ku guulaystay ee la doortay, dhan kale waxaan iyana hanbalyeynnayaa xubnaha dadaalka iyo ololaha dheer soo galay ee aan ka mid noqon golayashan, waxaannan leeyahy waad da’daasheen taranna noocuu yahay maxsuulkiisu waa guul ama beddelkeeda”.

Geesta kale C/qani Jiidhe, ayaa u mahad celiyay cid kastoo kala shaqaysay in doorashooyinku sida guusha ah uga wada qabsoontay Afarta degmo ee gobolka Sool.
Isagoona qabsoomida doorashooyinkaasi ee guud ahaanba Somaliland ka dhacay ku tilmaamay guul weyn oo uu gaadhay madaxweyne Biixi.
“Anoo ku hadlaya afka shacabka iyo ka maamulka gobolka Sool, waxaan u mahad cellinayaa cid kasta oo nagala qayb qaadatay, nalana qaybsatay qaddiyaddan culus oo sida guusha ah uga wada qabsoontay Afarta degmo ee gobolka Sool
Ugu danbbayn waxaa xusid weyn mudan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo horseeday labada doorashadan taariikhiga ah, isla markaana dejiyey oo fuliyey in kharashka ku baxay ay si isku tashiya Jamhuuriyadda Somaliland u bixiso”.
“TAARIIKH LAMA ILOOBAANA : Laba doorasho oo isku sidkan oo xor iyo xalaala ayaa ay qabatay xukuumadda Madaxweyne Biixi .. aad ayaa loogu bogaadiyey Caalamka iyo dadka Somaliland ba”ayuu ku yidhi badhasaabka Sool qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here