Badhasaabka Sool Oo Baaq U Diray Waxgaradka Deegaanka Dhabar-dalool

0
504

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa baaq u diray beelaha walaalaha ah ee deegaanka Dhabar-dalool, oo la sheegay in xaalad colaadeed ay mar kale ka dhex dhacday.

Waxaanu badhasaabku madax dhaqameedka iyo waxgaradka beelahaasi faray in ay xaaladda dejiyaan, isla markaana go’aankii nabadaynta la qaato, lagana war sugo ergadii arrintaasi ku hawlanayd.

C/qani Jiidhe, ayaa sidoo kale uga digay labadaasi beelood in aan la arki karrin wax ciidamo beeleedyo ah oo meello isku urursaday, isagoo xusay in haddii ay dhacdo in ciidan beeleedyo ay is urursadaan in ciidamadda qaranku ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Geesta kale badhasaabka Sool oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu ka hadlay hanaankii ay gobolkaasi uga qabsoomeen doorashooyinkii dalka ka dhacay 31-kii bishii ina dhaaftay ee May.

Waxaanu sheegay in doorashooyinkaasi ay gebi ahaanba si wanaagsan uga dhaceen gobolkaasi, isla markaana aanay jirin wax dhibaatooyin ah oo ka dhacay intii lagu guddo jiray doorashooyinka.

 

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here