Ilhaan Cumar iyo Qoyskeeda oo Xaalad Halis Ah Wajahaya

0
951

Washington (Hargeisa Press)- Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaa sheegtay inay u cabsaneyso nolosha qoyskeeda kadib markii ay heshay hanjabaado ka dhashay cambaareynteeda ka dhanka ah sida Israel ula dhaqmeyso Falastiiniyiinta.

Ilhaan, oo ah gabadh asalkeedu yahay Soomaali oo laga soo doorto Minnesota, ayaa bayaan ay soo saartay ku shaacisay hadallada Islaam naceybka ah iyo hanjabaadaha ay heleyso, oo ay ku jiraan kuwo ka dhan ah qoyskeeda.

Ilhaan, ayaa sheegtay in iyada iyo Muslimiinta kale ee Mareykanka ay saameeyeen olole lagu calaamadeynayo inay yihiin halis sababo la xidhiidha inay cambaareeyeen dagaalka Israel ay ka waddo Gaza.

Waxay si gaar ah u xustay hadallada xildhibaanada midigta-fog ee iyada iyo wakiilada kale la meel dhigaya taageerayaasha argagixisada.

“Waxay si toos ah khatar u gelisay nolosheyda iyo tan qoyskayga, sidoo kale waxay shaqaalaheyga ku abuurtay naxdin iyo aflagaado loogu gaystay inay gudanayaan shaqadooda,” ayay tidhi Ilhaan oo ka hadleysa hadallada kooxaha midigta-fog.

“Waxaa taas kasii muhiimsan, waxay halis gelinaysaa malaayiin Muslimiin Mareykan ah.”

Farriin cod ah oo lagu reebay xafiiska Ilhaan, ayaa qof soo garaacay wuxuu ku sheegay in koox xagjir ah ay daba joogaan iyada iyo caruurteeda.

Qofka telefanka ka soo garaacay, ayaa wuxuu sheegayaa inay heleen dhammaan ciwaanada guryaha Ilhaan “laguna wareejiyey kuwa wax kufsada,” sida uu weriyey taleefishinka NBC News.

Farriin kale ayaa Ilhaan ugu yeedheysa “Muslim argagixiso ah.”

Farriin cod oo saddexaad oo lala wadaagay NBC News, qof soo garaacay xafiiska Ilhaan ayaa sheegay inuu ka mid yahay koox feejigan wuxuuna ku hanjabay “inuu marada madaxa ka jeexi doono”, isaga oo ula jeeda xijaabka Ilhaan.

“Waxaan rajeynayaa in Israel ay disho mid kasta oo idin ka mid ah,” ayuu yidhi qofka soo telefanka ka soo garaacay.

“Tan iyo markii aan xafiiska la wareegay, laba nin ayaa qirtay dambi ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan,” ayaa lagu yidhi bayaanka Ilhaan.

“Tani waa mid dhab ah. Waxaan u baqayaa caruurtayda oo waa inaan kala hadlaa inay ku sii jiraan feejignaan sababtoo ah weligaa ma ogaan kartid.”

Bayaan ballaadhan oo ay ka soo saartay dagaalka Gaza, Ilhaan ayaa waxa ay ku cambaaraysay Xamas.

Sidaas oo ay tahay, iyada iyo xubnaha kale ee dhinaca bidix ee  ee Congress-ka ee dhalleeceeyay Israel waxay la kulmeen dhalleecayn, gaar ahaan kuwo kaga yimid Jamhuuriga midigta fog.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here