Baanka Dhexe Ee JSL Oo Beeniyay Inuu Lacag Cusub Soo Daabacayo

0
168

Hargaysa (HP): Baanka dhexe ee Somaliland ayaa mar kale ku celiyay in aanay jirin haba yaraatee wax lacag cusub ah oo uu soo daabacanayo.

Guddoomiyaha baanka dhexe ee JSL ayaa sheegay in aanay wax ba ka jirin warar muddooyinkan danbe ay warbaahinta gudaha qaarkood baahiyeen ee la xidhiidhay in baanka dhexe uu lacag cusub soo daabacanayo.

Waxaanu guddoomiyaha baanka dhexe bulshadda reer Somaliland ku booriyay in ay isticmaalaan oo ay qiimo u yeelaan lacagta shillinka Somaliland.

Guddoomiyaha baanka dhexe oo maanta ay kulan is xog waraysi ah la yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha Wakiilada Somaliland waxa kaloo uu ka hadlay xaalka sicir-bararka iyo sarif bararka ee dalka ka taagan.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Wakiiladda JSL ee magaaladda Hargaysa, ayaa xubnaha guddiga joogtadu waxay guddoomiyaha baanka dhexe wax ka waydiiyeen arrimo la xidhiidha heerka dhaqaale ee dalka, iyo shaqooyinka baanka dhexe qaranka uga masuulka yahay.

HALKAN KA DAAWO: Warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here