Khubarro Saadaaliyay In Somaliland La Aqoonsanayo

0
203

Hargaysa (HP): Qoreyaal caalami ah ayaa saadaaliyay 10 dal oo ay aaminsan yihiin inay dunida ku soo biiri doonaan mustaqbalka dhaw.

Saadaashan laga sameeyay dalalka adduunka ku soo kordhi doona kaalinta ugu horraysa ka gashay Somaliland.

Qoraalkan oo Ciwaan looga dhigay DUNIDA CUSUB, isla markaana Sannadkii 2012 lagu daabacay wargeyska Newyork Times ayaa hadda dib loo eegay waxa ka suurta galay.

Qorayaasha Frank Jacobs iyo Parag Khanna ayaa saadaaliyay 10 dal oo ay aaminsan yihiin inay dunida ku soo biiri doonaan mustaqbalka dhaw.

Waxa ay qorayaashu Saadaaliyeen in:

1. Mali noqon doonto inay Laba dal balse aanay wakhtigan wax suurtagal ah u muuqan.

2. Pakistan iyo Afqaanistaan oo iyaguna marka Maraykanku ka baxo Afqaanistaan ay soo bixi karaan labada oo la kala yidhaahdo Pashtunistan and Baluchistan, Balse taasina hadda uma muuqato arrin suurtagal ah.

3. Midowg Khaliijka Carabta (Arabian Gulf Union), oo uu hoggaaminayo Sucuudigu, kaas oo lagaga hortagyao haymanadda Iiraan ee bariga dhexe, balse kaasina uma muuqdo mid hadda hirgali kara.

4. Laba Koongo oo ka soo dhex baxa Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ee Koongo, iyaduna hadda uma muuqato mid rumoobaysa

5. Somaliland ayaa lagu calaamadiyay inay noqon karto dalka ugu dhow ee saadaashaasi rumayn kara, Marka loo eego xasilloonni darrada ka jirta Soomaaliya.

Qorayaashu waxa ay sheegeen in ay illaa maanta si buuxda u aaminsan yihiin saadaashoodii ahayd in Somaliland dal buuxa noqon karto mustaqbalka dhow.

6. Dalalka kale waxa ka mid ahaa Alawite oo Suuriya ka dhalata, Kurdistan oo noqota madax bannaani marka la eego xaaladda Ciraaq, Azarbajaan oo ay ku biiraan qomiyadda Aziri ee deggan gobol ka mid ah Iraan oo iyaduna noqota dal weyn. Dhammaantood waxba kama naasa cadda saadaashaasi.

Somaliland News Agency

Cabdiraxmaan Hayaan

Halkan ka eeg Linkga maqaalka ay qorayaashu saadaasha ku sameeyeen sannadkii 2012

https://archive.nytimes.com/www.nytimes.com/interactive/2012/09/23/opinion/sunday/the-new-world.html?HP

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here