Baadhitaanno Xaqiiqo-raadin Ah oo Laga Bilaabay Barwaaqo University iyo Abaarso Schools

0
2205

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xukuumadda Somaliland, ayaa baadhis xaqiiqo-raadin ah ka bilowday Jaamacadaha Barwaaqo iyo Dugsiga Abaarso oo lagu eedeeyey inay ka jiraan falal lidi ku ah Diinta Islaamka.

Bayaan kooban oo maanta ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasaaraha Diinta iyo Waxbarashada Somaliland ay baadhitaan ka bilaabeen labada jaamacadood, waxaana bulshada loogu baaqay inay ka war-sugaan natiijada ka soo baxda.

Sida aad la wada socotaan, waxaa maalmahan soo baxaya tuhunno la xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo iyo Iskuulka Abaarso , iyada oo la sheegayo in maamulaha Jaamacaddaasi ay tahay Baadariyad faafinaysa Diinta Kiristanka,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta.

Waxa kale oo qoraalka lagu yidhi, “Haddaba, Wasaaradda Diinta iyo Awaaafta oo kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, waxa ay baadhayaan oo ay gacanta ku hayaan tuhunnadaasi soo baxaya.

Sidaa daraadeed, dadweynaha waxaa laga codsanayaa in ay dhawraan natiijada baadhitaanka ee arrintani”.ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland.

Arrintan, ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Madaxa jaamacadda Barwaaqo ee ka fircantay dugsiga Abaarso, gabadha lagu magacaabo Joy Isa, lagu eedeeyay in ay tahay baadariyad ka shaqaysa fidinta diinta Masiixiga islamarkaana waxaa looga shakiyay in ay diin faafin ka waday jaamacadda ay maamulka ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here