Boorama (HP): Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland ayaa maanta furtay Seere-daaqsimeed ku yaal gobolka Awdal kaasoo muddo xidhnaa balse maanta la fasaxay.
Seere-daaqsimeedkaasi oo ku yaalla gobolka Awdal ayaa u jeedadda loo furay waxay tahay si Xoolaha loo daajiyo, maadaama oo lagu jiro xili abaar ah.
Waxaana furitaanka seere-daaqsimeedkaasi goob joog ka ahaa isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal, iyo masuuliyiin kale.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.