Aqoonyahan Maxamed Muuse Cawaale oo Hargeysa ku geeriyooday

0
848

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ku geeriyooday allaah ha u naxariistee Maxamed Muuse Cawaale oo ka mid ahaa aqoonyahada muddo dheer u soo shaqaynayey qaranka Somaliland.

Maxamed Muuse Cawaale, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kala dambeeyey ee dalka soo maray, isaga oo soo noqday Wasiirkii ugu horeeyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ee xukuumaddii Madaxweyne Cigaal sannadkii 1997.

Sidoo kale, marxuunka, ayaa muddo badan Guddoomiye ka ahaa Ha’yadda ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah, waxa kale oo uu hogaamiyey mashaariico badan oo dhinaca deegaanka ah.

Aqoonyahan Maxamed Muuse Cawaale, ayaa waxaa uu ku dhashay magaalada Oodweyne, waxaana waxbarashadiisa uu ku soo qaatay magaalooyinka Burco iyo Boorama.

Waxaana uu marxuum Maxamed Muuse Cawaale ku takhasusyo kala duwan oo la xidhiidha aqoonta deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga ah ku tagay dalal badan oo adduunka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here