Dublin (Hargeisa Press)- Dr. Maxamed Mukhtaar Cali oo ka mid ah dhalinyarada aqoonyahanka ah ee u dhashay Somaliland, ayaa magaca Somaliland kaga qayb galay kulan ka dhacay magaalada Dublin ee dalka Ireland.
Aqoonyahan Maxamed Mukhtaar, ayaa isagoo Somaliland ka socda waxaa uu ka mid noqday labaataneeyo qof oo ka kala socda 20 dal.
Shaqsiyaadka ka qayb galay kulanka oo laga soo xulay jaamacadaha Ireland, ayaa qaadan doona kulamo xidhiidh ah oo ku saabsan hoggaaminta iyo isbeddelka.
Waxaana shaqsiyaadkii ka kala socday 20-ka dal ay sharraxeen walax u taagan dalalka ay ka soo jeedaan.
Aqoonyahan Maxamed Mukhtaar oo magaca Somaliland ku matalayay kulankaasi, ayaa si qoto dheer u sharaxay walax u taagan dalka Somaliland uu ka soo jeedo.
Maxamed Mukhtaar Cali, ayaa sheegay in shaqsiyaadkii ka kala socday 20 dal ay intooda badani si fiican u garanayeen sooyaalka Somaliland, isagoona xusay in intii ay ku cusbaydna xog dhammaystiran uu ka siiyay, iyaga oo xiisaynaya weliba.
Aqoonyahan Maxamed Mukhtaar Cali, ayaa waxaa uu markasta kulamada uu kaga qayb galo wadamada adduunka, ku soo bandhigaa qadiyadda madaxbannaanida Somaliland, isagoona dadyoowga ku nool dalalkaasi u bandhiga taariikhda Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay.