Gavin Williamson oo sheegay in Trump uu aqoonsanayo Somaliland

0
3163

London (Hargeisa Press)- Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump uu aqoonsanayo Somaliland.

Gavin Williamson oo hore u ahaa xoghayihii hore difaaca ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in Donald Trump uu dhowaan wadahadalo la yeeshay kooxda siyaasadda dibadda u qaabilsan.

Xildhibaan Gavin Williamson oo waraysi siiyay Wargeyska The Independent, ayaa waxaa uu arrintan ku tilmaamay in ay noqon doonto tallaabo muhiim ah oo siyaasadeed.

Sidoo kale, waxaa uu Gavin Williamson uu sheegay in Somaliland ay u leedahay muhiimad geostrategic, gaar ahaan marka loo eego Badda Cas.

Sir Gavin, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in maamulka Donald Trump uu dersi doono qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, kadib markii uu wadahadal arrintaas kala yeeshay kooxda siyaasadda dibadda u qaabilsan madaxweyne Trump.

Waxaa kale oo uu kalsooni buuxda ka muujiyay in Trump uu arrinta aqoonsiga Somaliland uu ku dhaqaaqi doono marka uu xafiiska la wareego bisha Janaury.

Williamson, wuxuu tilmaamay in aqoonsiga Somaliland uu xoojin doono qorsheyaasha istaraatajiyadeed ee dalalka reer galbeedku ay galangal ugu yeellan karaan Dekedda Berbera.

Xildhibaan Gavin Williamson, ayaa sheegay in Somaliland, iyadoo aan weli la aqoonsan ay haddana soo bandhigtay xasilooni iyo dimuqraadiyad taabogal ah oo lagula kala wareego awooda dawladnimada.

Waxaa uu sheegay Xildhibaan Gavin Williamson in Somaliland ay wax badan oo horumar ah gaadhay muddadii ay aqoonsiga raadineysay.

Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan xisbiga Conservative ee laga soo doorto South Staffordshire, ayaa ka mid ah diblomaasiyiinta caanka ah ee sida weyn ugu ololeeya aqoonsiga dalka Somaliland.

Sir Gavin Williamson, ayaa baarlamaanka Ingiriiska hor geeyey sharci uu dalkiisu ku aqoonsanayo Somaliland, iyadoo hadafku yahay in meesha laga saaro caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ee ku horgudbanaa aqoonsiga Somaliland muddo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here