Aqoonsiga Somaliland Waxyaabihii Fududeyn Lahaa Waxa Ay Ragaad Ku Yihiin Gudaheena

0
915
Muhamed Dhimbiil

Qaranka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu mudo sagaal iyo labaatan sano ah ka madax banaana dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Somalia oo uu 18 May 1991 dib ugala soo laabtay dawladnimadii lagu bahoobay 1 Julg 1960 kii oo laga joogo lixdan sanadood.

Somaliland intaa ay jirtay waxa horumar weyn sameeyey dadka shacabka ah iyo ganacsiga ganacsatada oo dalka aad u dhisay dhinacwalba ( private sector ) ka isla markaana sameeyey ganacsiyo waaweyn iyo hal abuuro kala wada duwan oo dad boqolaal kun ahi ka heleen shaqo kana shaqeystaan .

Waxa dib u dhac badani ka muuqda maamulka dawladnimo dhinacyo badan marka aad ka eegto oo ay ugu horeyso jiheynta umada iyo hab fekerkooga , shaqo abuurka , adeegyada dawlada ,
horumarka dadka iyo dhismahaba oo aad u liita marka la qoyaaso 29 sanadood , iyo halka la taagan yahay.

Somaliland tobankii sanadood ee ugu horeeyey ayaa waxa ay qabsatay wax weyn oo macno leh oo ay dawladnimo kow ka tahay , dadka hubeysnaa oo hubkii laga dhigay , dib u heshiisiin iyo nabadeyn , nidaamkii dawladnimo oo la yagleelay lagana shaqeysiiyey , waxa la sameeyey axdi qarameed , waxa la sameeyey, calan , lacag, dastuur, astaan qaran , ciidamo qaran , shaqaale qaran waxaana uu dalku soo gaadhay in qofku codkiisa ku doorto qofka uu doonayo oo ah nidaamka axsaabta badan iyo ururada siyaasada.

Halkaasi marka laga soo bilaabo walow wax badani qabsoomeen wax badanina qabyo yahay haddana waxa aad moodaa in aan qaranku gaadhin filashadii iyo rejadii laga qabay waxyaabaha Somaliland dib u dhigey ee aanu dhaliilsanahay waxa ka mid ah ;

1- Doorashooyinkii dalka oo xiligoodii lagu qaban kari waayey , isla markaana yeeshay caado xun oo la yidhaahdo mudo kordhin oo ay golihii guurtida Somaliland ee la doortay 1997 ilaa 2020 iska fadhiyaan kuraasida isaga oo xili doorasheedkoodu ahaa lix ( 6 ) sano oo kaliya , golihii wakiilada ee la doortay sanadkii 2005 ay iyaguna ilaa 2020 iska fadhiyaan doorasho la’aan iyada oo mudo xileedkoodu ahaa shan ( 5 ) sano , sidaasi oo kale ayaa doorashooyinka goleyaasha deegaanada iyo kuwa madaxweynuhuba u mudo dhaafayeen ilaa markii doorashooyinku dalka ka bilaabmeen , wax wax lala yaabo ah in aan korodhsiimooyinkaa loo heyn asbaabo sharci oo ay ku xalaaloobaan sharcina ku noqdaan.

2- Somaliland waxa ay u baahnayd in ay ilaaliso shuruucda iyo nidaamka xuquuqaha aadamaha oo ay dadkeeda u hor kacdo in ay helaan waxii uu dastuurka qaranku u damaanad qaadey ee uu leeyahay qofka muwaadinka ahi , kuwaasi oo isugu jira qaar siyaasadeed,nololeed , dhaqameed , diimeed , gancsiyeed , horumareed iwm.

3- Somaliland waxa ay ahayd in ay noqoto dal maamul wanaag iyo daah furnaan maamul ku hanaqaada oo musuqa iyo madmadawga dulinada dawladaha dilla meesha ka saara , arinkaasi oo ilaa maanta laga hirgalin kari laayahay dalka dhinacwalba isaga oo ay u dhisan yihiin intaasi oo hay’adood oo ku magacaaban shaqooyinkaasi.

4- Xoriyada muwaadiniinta ee rayi dhiibashada iyo cabirada afkaaraha, naqdinta siyaasada dawlada iyo ta saxaafadeed oo ah qaar aad u liita isla markaana meel hoose maraya oo aduunkuna marwalba inagu canaanto oo ay ugu dambaysay tii dawlada maraykanku soo saartay ee warbaahinta dalka in cabudhinta laga daayo.

5- Ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalkani dhigtay oo aan la adeegsan ilaa marka ay dawladu ku eryanayso cid ay dan u leedahay mooyaane, taasi oo meel ka dhac ku ah dadka iyo dalka Jamhuuriyada Somaliland oo meeqaamkiisana hoos u dhigaysa.

6- Ka shaqeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland oo maraysa meel hoose markii hogaanka siyaasada dalku dadka beelo u qaybiyeen xiligii ay ku tartamayeen doorashooyinka, taasi oo meel ka dhac ku ah nidaamkii dalku qaatay iyo waxii loo sameeyey ururada siyaasada iyo axsaabta oo ay ahayd in ay dadka qabiilka iyo qoqobka ka saaraan oo qaranimo loo guuro.

Lixdaa aan kor ku soo tilmaamay iyo qaar kale oo badan oo tacab iyo tamar la galiyo ayaa soo saaraya quruxda qaranka Jamhuuriyada Somaliland aynu qadiyadiisa caalamka kaga iibinayno taasi oo ay Somaliland ku rabto in uu dalkani noqdo mid ka mid ah qaramada aduunka ee la aqoonsan yahay.

Aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland kuma imanayo alalaas iyo mashxarad iyo in aad aduunka marba dal ka degto inkasta oo ay muhiim tahay in aad arjigaaga iyo codkaaga cidwaliba uu gaadho hadana muhiimada ugu weyni waxa ay taalaa gudaha dalka Jamhuuriyada Somaliland, aniga oo ogsoon in Somaliland shuruudaha dalalka lagu aqoonsado in ay buuxisay , haddana hadii aynu aqoonsi rabno iyo hadii kaleba lixdaa qodob iyo qaar kale oo badani waa kuwa Somaliland wanaageeda soo saaraya , dadkeeda isku haynaya , caalamka kalena ina jecleysiinaya.

Mohamed Abdi Jama
Hogaamiye Dhimbiil
Xisbiga Dadweynaha Somaliland

LEAVE A REPLY