Wasiirka Caafimaadka oo Gaadhay Magaalada Boorama

0
1674

Boorama (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Wasiirka caafimaadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin ka tirsan wasaaraddaasi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaanka Gorayo-cawl ee duleedka degmada Boorama, halkaas oo ay kaga horyimaadeen masuuliyiinta gobolka, ka degmada Boorama iyo dadweyne kale, iyada oo markii dambe loo soo galbiyey gudaha magaalada Boorama.

Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay isu-duwaha caafimaadka ee gobolka Awdal oo ka warbixiyey xaalada guud ee caafimaadka gobolka oo uu sheegay in ay aad u wanaagsan tahay, isaga oo masulliyiinta wasaaradda caafimaadka uga mahad celiyey booqashada ay ku tageen gobolkaas iyo deeq caafimaad oo kala duwan oo ay gaadhsiiyeen gobolka Awdal.

Sidoo kale, waxa goobtaas ka hadlay maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xaddi iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka ahna ku simaha guddoomiyaha Cawaale Faarax oo si wada jir ah u bogaadiyey wasaaradda horumarinta caafimaadka dedaalka xoogan ee ay ugu jirto adeegyada caafimaadka ee gobolka Awdal, waxayna sheegeen in agabkaas caafimaad ee masuuliyiinta wasaaraddu gaadhsiiyeen gobolka ay bulshadu baahi weyn u qabtay isla markaana uu waxweyn ka tari doono baahiyihii dhanka caafmaadka ee gobolkaas ka jiray.

Gabogabadii waxa madashaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi, oo sheegay in ay ku wareejinayaan masuuliyiinta caafimaadka ee gobolka Awdal deeq kala duwan oo isugu jirta Gaadhi Ambalaas, mishiinka lagu baadho xannuunka Covid-19, shan iyo lixdan haamood oo ah kuwa ogsajiinta ah iyo agab kale oo caafimaad, isaga tilmaamay in agabkaas kala duwan ay dabooli doonaan baahiyo badan oo jiray, wuxuuna wasiirku bahda caafmaadka ee gobolka Awdal kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dedaalkooda dhanka adeegyada caafimaadka ah ee ay bulshada u hayaan isla markaana ilaashadaan qalabkaas kala duwan ee wasaaraddu soo gaadhsiisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here