Itoobiya oo Xabsiga Dhigtay Xubno Sare oo Ka Tirsan Ururka Oromada Ee OLF

0
1167

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Ciidammada amniga ee Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay shan sarkaal oo sar-sare oo ka tirsan jabhadda Oromada ee OLF oo haatan ah xisbi mucaarad ah, sida laga soo xigtay OLF.

Ururka Oromo Liberation Front (OLF) wuxuu sheegay in siyaasiyiinta ay haatan ku xidhan yihiin magaalada Addis Ababa.

Guddoomiyaha OLF wuxuu sheegay in aan war laga heyn halka loo kaxaystay saraakiisha.

Itoobiya waxaa dhawaan ka dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo lagaga soo horjeeday dilkii fanaanka caanka ahaa ee Hachalu Hundessa.

Waxaana rabshadahaas ku dhintay in ka badan 160 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here