Aqbali Mayno In Mushaharkii Shaqaalaha La Waayo Iyadoo Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Noo Sheegay In 380,000,000. S/Sh Ah Ku Kharash Gareeyay Soo Dhawaynta Murashaxa Kulmiye “Xilldhibaan C/casiis

0
1715
Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Ismail

Gabiley,(HargeisaPress) — Xildhibaan Cabdicasiis Cabdilaahi Ismail oo Shir Jaraaid ku qabtay Gabiley ayaa ku tilmaamay Kharashka ku baxa soo dhawaynta Murashaxa Madaxwaynaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi mid Culays Dhaqaale oo badan ku haya Dawlada Hoose ee Gabiley isla markaana kharash dhiig bax ku ah Gobolka Gabiley iyadoo Xoghayaha Dawlada hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor noo sheegay in {380,000,000 } Sadex Boqol iyo Sideetan Milyan ku baxday soo dhawayntii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  iyadoo Mushaharooyinkii Shaqaalaha aan la sii Bishii hore ee dhamaatay ilaa maantana Mushahar loo hayn Shaqaalihii Masakiinta ah ee Xashiishka xaadha iyo Shaqaalaha Dawlada Hoose ee Gabilay iyadoo dhamaan shaqalaha Subax kasta 6:00 subaxnimo ku soo kalaha Xarunta Dawlada Hoose halka kuwa qashinka xaadhaa ay 5:00 Subaxnimo Bilaa Qureec ku bilaabaan inay qashinka magaalada kaga ururiyaan oo ay nadiifiyaan Magaalada Gabiley iyadoo ay jiraan Dad Abaaruhu soo baro kiciyeen oo ku dayacan Gobolka Gabiley iyadoo dhawr jeer ka Gole ahaan soo jeedinay in laga qayb qaato oo wax la taro dadkaa abaartu keentay Deegaanka Gabiley ee Martida noo ah  arinkaasi waxaana is hor istaagay Xog-hayaha Dawlada Hoose ee Gabiley C/raxmaan Nuur Abokor .

Mar kale Xilldhibaan C/casiis oo Hadalkiisa sii wata ayaa Xoghaye C/raxmaan Nuur ku tilmaamay Masuulkii ugu muddada dheeraa ee Shann Maayar la soo shaqeeyay ayaa maanta u aragnaa in uu Caqabad ku yahay Habsami u socodsiinta Hawlaha Dawlada Hoose ee Gabiley waxaanu yidhi “ Toban Xoghaye oo ka waxqabad badnaa kana Maamul toosnaa ayaa Dawlada Hoose ee Hargaysa laga badalay waxaana iswaydiin mudan waxa isaga loo badali la”ayahay Xukuumadu miyaanay Indho u lahayn Xoghayahan ka Talaabsaday Sharcigii iyo Xeerarkii Dalka ee Dariiqii Golaha Deegaanka Gabiley u jeexay aan ku socon .

Ugu danbayn Xilldhibaan C/casiis waxuu Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo gaar ahaan Wasiirka Arimaha Guduhu ugu baaqay in ay wax ka qabato Xoghaye C/raxmaan Nuur ee Dabarka Goostay Sharciga iyo Xeerarka Golaha Deegaanka lagu soo dabaalo ama Talaabo laga qaado .

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY