Garabka Haweenka Heer Qaran ee WADDANI oo Qabtay Kulan laga ga Hadlaayey Qorshaha Haweenka ee Ololaha Doorashada + SAWIRRO

0
1638

Hargeysa,(HargeisaPress) — Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay isla mar ahaantaana lagu falan-qeynaayey barnaamij siyaasaddeedka xisbiga WADDANI ee haweenka iyo weli ba sida oo kale sida qorshaha dhinaca ololaha ee garabka haweenka heer qaran ee Xisbigaasi ay doonayaan in ay ku galaan Doorashada, ayaa waxa uu maanta ka qabsoomay hotel Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa.

Kulan oo soconayey muddo hal maalin ah, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbigaasi Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Uurcadde, Madaxa Ololaha Xisbigaasi Xamse Kheyre, guddoomiyaha garabka haweenka, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin aad u tira badan oo ka tirsan Xisbigaasi.

Guddoomiyaha garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Keyse oo ugu horreyn ka hadashay kulan hawleeedkan ay u qabteen haween weynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay tilmaantay in maadaama oo ay soo dhawdahay xiligii la qabanaayey Doorashadu in ay ka garab ahaan ka qeyb-qaataan qorshe hawleedkooda ay ku wajahayaan siddii fariinta Xisbiga loo gaadhsiin lahaa haweenka Somaliland.

Madaxa Ololaha Xisbiga WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre

“Ugu  horreyn waan idiin ka mahad-celinayaa ajiibka aad na soo ajiibteen in aad kulankan naga la qeyb-gashaan oo ay ugu horreyaan Marwooyinka iyo Madaxda kale duwan ba, waxa aan idiin sheegayaa in maanta aanu soo bandhignay barnaamij ay lee yihiin haween weynhaa Xisbiga WADDANI, Isha Allaahu na wixii aanu sameynay qoraal iyo hadal ahaan ba waanu idiin ku sheegnay, mana aha wax xidhan ee wax furan oo aynu wada lee nahay sida oo kale na intiina maskaxood ee fadhida rag iyo dumar baa ad nagu biirin kartaan , waxyaabo badan baanu hore u soo sameynay se maanta waa kama dambeyntii hore loo dhaqaaqi lahaa, waxaana aanu ugu tallo-galnay in aynu helno barnaamij ay dumarku ku dhaqaaqaan oo ay wax ku qabtaan oo ay albaab ka albaab tagaan oo ay noqdaan wixii hoggaaminaayey dumarka Somaliland  maadaama ay yihiin kuwa codka bixiya. “.Ayey tidhi Marwo Foosiya Keyse

Madaxa Ololaha Xisbiga WADDANI Aqoonyahan Xamse Kheyre oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in garabka haweenka Xisbiga WADDANI ay soo qorsheeyaan sida loo wajahaayo ololaha Xisbiga WADDANI ee dhanka haweenka isaga oo tilmamaay in Xisbiga WADDANI uu muhiim gaara siinaayo garabbada dhallinyarta iyo haweenka ee Xisbigaasi oo uu xusay in ay yihiin kuwa keeni karta codka guusha.

“Waxa aan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa in garabka haweenku ay ka hawl-galeen dariiqa siyaasaddeed ee loo gaadhi lahaa haweenka, hawl weyn baad naga furateen aad iyo aad na waad ugu mahadsan tihiin, waanan idin ku hambalyeynayaa. Waxaana la filayaa in wadanka ay ka baxaan 535000 oo cod in ay ka baxaan oo dadka codeynayaa ay meelahaas noqdaan, Xisbiga WADDANI na waxa uu ku guuleysanayaa 270,00 oo cod illaa 300,000 oo cod meelahaas, guusha Xisbigu na waxa ay ku jirtaa in codkaas aynu sheegnay ay xisbiga u codeeyaan illaa 175000 oo cod qiyaasahii aanu sameynay baynu rabnaa in aynu guusha na ku hantino. Garabbada dhallinyarta iyo kuwa haweenku na waa kuwa keeni kara guusha Xisbiga ama guuldarada ba, waxaana loo baahan yahay maadaama ay yihiin dadka ugu badan ee codeeya.”.Ayuu yidhi Xamse Kheyre

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa boggaadiyey kulankaas ay qabteen haweenku, waxaana uu yidhi:- “Marka hore aad baan u soo dhaweynayaa dhammaan ba dadka kala duwan ee ka soo qeyb-galay hawshan lagu falan-qeynaayo barnaamijka ololaha xisbiga WADDANI ee haweenka, waxaana aan aad ugu boggaadinayaa garabka haweenka heer qaran ee Xisbiga WADDANI oo hawshan qabtay, waxaana aan ugu mahad-naqayaa diyaar garowga ay durba diyaar garoobeen iyada oo hada uun lagu dhawaaqay wakhtigii Doorashada, waxaana aynu diyaar u nahay in aynu dhageysano qorshaha la innoo soo bandhigaayo iyada oo weli ba uu joogo guddoomiyahii Kaambeynka Xisbiga WADDANI.”.

Guddoomiye Cirro oo sida oo kale hadalkisa sii wata, waxa uu guubaabiyey haween weynahaasi isaga oo yidhi: “Wakhtiga innoo hadhay waa uu kooban yahay, waa bilo, balahaas na waxa ku jira qeybintii kaadhadhka lagu gelaayo Doorashada oo ay ku jirto xiligii ololaha Doorashada oo ay ku dhex jirto Ramadaan, markaa marka intaas oo dhan la isku daro runtii wakhtiga hadhayaa aad buu u kooban yahay, waxaana la innooga baahan yahay in aynu maamulka daadejino oo aynu dedaalno, fariinteenu na ay gaadho albaab walba oo ku yaala gobal kasta iyo magaalo walba, fariinteenu waa in ay gaadhaa muwaadin kasta, waxaana loo baahan yahay in aynu asxaabta kale kaga horeyno diyaar garooga iyo qorshaha ba, waxaana aad moodaa in aynu ka horeyno oo maanta waxa aad moodaa in aynu ka hadlayno siddii aynu u geli lahayn Ololaha Doorashada, haweenka Xisbiga na aad baan ugu mahad-naqayaa dedaalka ay muujiyeen iyo diyaar garowga ay sameeyeen ba.”.

Halkan hoose ka Daawo Sawiradda

LEAVE A REPLY