Al-shabaab oo Weerar Culus ku Qaadday Saldhig Ciidammada Dawladda Somalia Leeyihiin

0
567

Aw-dhiigle (Hargeisapress) –  Kooxda Al-shabaab ayaa Maanta Weerar culus ku qaadday Saldhig ay Ciidammada Millateriga Soomaaliya ka samaysteen deegaanka Aw-dheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya Weerarka ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay Saldhig Cusub oo Ciidammada Dawladdu ka samaysteen Aw-dheegle ay markii koowaad albaabkiisa la beegsadeen Gaadhi Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey, daqiiqado ka dibna gaadhi kale uu Xerada ku dhex Qarxay.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in markaa ka dib uu dagaal ka dhex bilaabmay Ciidamo Al-shabaab ah oo xerada gudaha u galay iyo Ciidammada Dawladda.

Warbaahinta Al-shabaab taageerta ayaa sheegaya in dagaalkaa ku dhinteen illaa 50 Askari oo Ciidammada Dawladda ka mid ah, Tobanaan kalena dhaawacmeen, laakiin ma jirto Cid Madax-bannaan oo sheegashadaa xaqiijin kartaa.

Dhinaca kale, Warbaahinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tebiyey in Ciidammada Dawladdu ay dhaawac gaadhsiiyeen Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage iyo Dagaalemayaal kale oo kooxdaasi ka tirsan.

Warka ay Warbaahinta Dawladdu baahisay ayaa sheegaya in Hawl-gal qorshaysan oo Ciidammada Dawladda ee sida gaarka ah u tababbaran ka fuliyeen deegaanka Shaam oo hoos-taga Degmada Aw-dheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 17 Xubnood oo Al-shabaab ka mid ahaa, halka lagu dhaawacay illaa 25 Dagaalemayaal kale, kuwaasi oo uu ka mid yahay Afhayeenka guud ee kooxdaasi, Cali Maxamuud Raage.

Warbaahinta Dawladda Soomaaliya oo soo xiganaysa Saraakiisha Sirdoonka ayaa ku warrantay in dhaawaca Cali Maxamuud Raage lagu hayo deegaanka Kuntu-waareey ee Gobolka Shabeelaha hoose, hase-yeeshee Hawl-galka oo la sheegay inuu dhacay 11-kii bishan ayaanay jirin Cid Madax-bannaan oo xaqiijin kartaa.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here