Wasiir Ku Xigeenka Gaadiidka Somaliland Oo Safar Ku Tegay Laascaanood

0
215

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Wasiir ku xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland ayaa ugu baaqay bulshadda gobolka Sool in ay xukuumadda kala qayb qaataan dib u dhiska wadooyinka bur-buray.

Wasiir Sahal Mohamed Jama oo safar ku jooga magaaladda Laascaanood oo ay wehelinayeen badhasaabka Sool iyo maayarka Laascaanood oo maanta si wada jira warbaahinta ula hadlay waxay sheegeen in dhaqaalaha ku baxaya dayactirka wadooyinkaasi oo aan miisaaniyadda dawladda ku jirin ay dadweynuhu ka qayb qaataan.

Wasiir ku xigeenka ayaa ku tilmaamay u jeedadda socdaalka uu ku joogo Laascaanood uu la xidhiidho sidii dadweynaha gobolka Sool ay uga qayb qaadan lahaayeen dayactirka jidadka.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Ku Xigeenka, Maayarka Laascaanood iyo Badhasaabka Sool:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY