Akhri: Tirada Xildhibaano Saxeexay Mooshin Saaka La Horkeenay Golaha Wakiilada Somaliland iyo Mawqifka Mudanayaasha Kulmiye.

0
1168

Hargeysa,(HargeisaPress) —Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta la horkeenay mooshin ay saxeexeen Xildhibaano tiradoodu gaadhayso 18 kuwaas oo dalbanaya wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyo xeerka ay ku aas aasan yihiin guddida doorashooyinka qaranku.

Xildhibaanada ka tirsan golaha Wakiilada ayaa mooshinkan saxeexay iyaga oo doonaya inay fuliyaan qodob ka mid ah heshiiskii ay Hogaamiyeyaasha Xisbiyadu ka gaadheen khilaafkii Doorashada kaas oo sheegaya in xubno dheeraad ah lagu daro Guddida Doorashada.

Wararka laga helayo Xildhibaanada mooshinkan saxeexay ayaa sheegaya inay u badan yihiin Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani kaas oo ku leh mudanayaal tiradoodu gaadhayso 16 halka Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ay Xildhibaanadiisu ka muquurteen marka laga tago laba mudane, halka Xisbiga Ucid aanu wax Xildhibaan ah ku lahayn saxeexa mooshinkan.

Wararka ayaa xaqiijiyey in xildhibaanada xisbiga Kulmiye ay diideen inay saxeexaan mooshinka qaybta ka ah fulinta heshiiskii xisbiyada iyada oo aanay jirin sabab ay cadeeyeen oo ku kaliftay.

Dhinaca kale, fadhigii maanta ee mudanayaasha golaha Wakiilada oo la horkeenay mooshinkan ayey ka dareereen inta badan Xildhibaanada xisbiga Kulmiye ee ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag-bari, Selel, Awdal iyo Buuhoodle, kuwaas oo ku doodaya in la soo raaciyo wax ka badal lagu samaynayo saami qaybsiga kuraasta golaha Wakiilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here