Xildhibaanaddii Golaha Degaanka Gabiley Ee Xidhnaa Oo Xoriyadoodda Dib U Helay

0
848

Gabiley (Hargeisa Press.com):  Xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Gabiley oo bishii hore ay xidhay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliand ayaa la sheegay in maanta la sii daayay.

Xildhibaanadaasi oo ay tiradoodu ahay afar ayaa sii dayntoodda waxaa xaqiijiyay qaar ka mida oo warbaahinta. Inkastoo la sheegay in mid ka mid ahaa xildhibaanadaasi uu diiday in uu xabsiga ka baxo.

Kaasoo ku sababeeyay diidmadda in uu soo baxo, in marka hore xukuumadu soo cadayso sababtii keentay in xidho. Xildhibaankaasi oo magaciisu yahay Iid Xasan Cabdi.

Xildhibaanadaasi oo la xidhay 24-kii bishii hore  ayaa lagu eedeeyay in ay  soo abaabulayeen mooshinka xilka lagaga tuurayo maayarka Gabiley.

Iyadoo isla maalintii la xidhay ay soo baxday wareegto uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, taasoo goleyaasha degaanka dalka lagaga reebaayay inay qabsan karaan fadhiyadda aan caadiga ahayn.

Amarkaasi wasiirka oo u jeedadiisu ahayd in aan xilalka laga qaadi Karin  maayaradda magaalooyinka dalka ee hadda jooga.

Xildhibaanadan xoriyadoodda dib u helay ayay magacayadoodu kala yihiin,   xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi, xildhibaan Buraale Mawliid, xildhibaan Xasan Axmed Dheg-jar iyo xildhibaan Iid Xasan Cabdi, oo isagu ah xildhibaanka la sheegay in uu diiday siidayntaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here