Wasiirka X. Xoolaha oo Dhagax Dhigay Mashruuca Barwaaqo Ee Togdheer

0
288

Burco (HP): Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa maanta dhagax dhigay Dhismaha Mashruuca Barwaaqo ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee gobolka Togdheer.

Dhagax dhigaasi waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi, iyo masuuliyiin kale.

Dhismaha Mashruucani waxa dhisaysa shirkadda dhismaha Al karaama Constraction & Constract Company.

Munaasibadda dhagax-dhiga mashruucan waxa ka soo qayb galay, wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta reer miyiga, madaxda Mashruuca Barwaaqo iyo Qaar ka mida agaasime waaxedyada Wasaaradda, mudan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Siciid Sulub Maxamed, isaga oo ka waramay qaabka dhismaha iyo sida ay uga faaiidaysan doonan mashruucan, ayaa bulshada gobolka Togdheer ku adkeeyay inay ilaashadaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo Horumarita Reer Miyiga ayaa sheegay in dhismahani wax badan ka tari doono baahiyaha wasaaradda lagunna adeegi doono bulshada xoolo dhaqato beeraleyda.

Geesta kale Ibraahin Cumar Cismaan iyo Cabdiqaadir Maxamed Guuleed, oo ka socday Mashruuca Barwaaqo, ayaa sheegay in dhismahan maanta la dhagax dhigey mashruuca Barwaaqo waxtar weyn u leeyahay Qaranka.

Axmed Maxamuud Cismaaan, oo ka socday shirkada dhismahan nasiibka u heshay inay dhisto ayaa ballanqaday inay hirgalin doonan dhisme tayo, isla markaana ku dhamaan doona wakhtiga loo qabtay dhismaha xarunta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here