Agaasimaha Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo soo xidhay Tababarka fahamka waddaniyadda

0
608

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal), ayaa si rasmi ah u soo xidhay Tababarka fahamka waddaniyadda, kobcinta dawladnimada iyo ka-qaybgalka hoggaaminta.

Tabarkan fahamka waddaniyada, kobcinta dowladnimada iyo ka qaybgalka hoggaaminta, ayaa laba cisho ka socday Xarunta Barashada Waddaniyada ee Wasaaradda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Somaliland, ayaa shahaadoyin guddoonsiyay dhallinyaradii ka qayb qaadatay tababarka.

Waxaanu Agaasumuhu ku dhiirrigeliyey Dhallinyarada in aqoonta ay tababarka ku qaateen u beddelaana ficil muuqda oo bulshada wax ku kordhiya.

Agaasimaha Guud, ayaa xusay in Wasaaraddu u diyaarisay qorshayaal lagu horumarinayo fahamka waddaniyadda iyo kobcinta dawladnimada ee dhallinyarada iyo guud ahaan muwaadiniinta.

Munaasibadda xidhitaanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Xarunta Barashada Waddaniyadda iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here