Madaxweyne Ku-Xigeenka JSL Oo Ka Qayb Galay Qalin Jebinta Jaamacadda Tima-Cadde

0
179

Gabiley (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa maanta ka qayb galay xaflad loo sameeyay arday ka qalin jebiyay jaamacadda Tima-Cadde ee magaaladda Gabiley.


Ardaydan ka qalin jebiyay jaamacadda Tima-Cadde oo tiradoodu dhamayd 1100 arday, ayaa noqonaya dufcadii 11aad ee ka qalin jebiya jaamacadaasi mudadda ay jirtay.

Waxaanay ardaydaasi isugu jireen kuwo dhamaystay qaybaha kala duwan ee kuliyadaha ay jaamacadu bixiso, iyo sidoo kale heerarkeedda kala gedisan ee Master-ka, iyo Degree-ga.

Munaasibad balaadhan oo loo qabtay ardaydaasi waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, guddoomiyaha xisbiga UCID, maamulka gobolka Gabiley, maayarka Gabiley, siyaasiyiin, aqoon yahano, waalidiinta ardayda qalin jebiyay, maamulka, iyo macalimiinta jaamacadda Tima-Cadde, iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), oo madashaasi hadal ka jeediyay ayaa ugu horayn waxa uu hanbalyeeyay ardaydan dhamaystay waxbarashadda jaamacadeed ee ay mudadda soo wadeen, waalidiintoodda, iyo maamulka, iyo macalimiinta jaamacadda Tima-Cadde.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku booriyay ardayda waxbarashada dhamaystay in aqoonta, iyo cilmiga ay barteen ay dalkooda uga faa’iideeyaan, isla markaana ay noqdaan kuwo ka qayb qaata horumarka dalka.

Guddoomiyaha jaamacadda Tima-Cadde Cismaan Aw Yuusuf Magan, oo isna halkaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay tiradda arday shalay ka qalin jebiyay jaamacadda, iyo kulliyadaha kala duwan ee ay barteen.

Waxaanu sheegay guddomiyuhu in ardaydaasi ay isugu jiraan qaar dhamaystay waxbarashadda jaamacadda ee heerka koowaad (degree), iyo heerka labaad (masters), kuwaasoo tiradoodu tahay 1100 arday, isla markaana muddo soo qaadanayay waxbarashadoodda.

Galay Xaflada Qalanjabinta Dufcadii 11aad ee Jaamacada Timacade Gabiley.

Gebagebadii xafladaasi madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciik (Saylici), ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay ardaydaasi ka qalin jebiyay jaamacadda Tima-Cadde, ee magaaladda Gabiley.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here