Afhayeenka Kulmiye: “Qabashada Doorashooyinku Uma Baahna In Mucaaradka Lagala Heshiiyo”

0
1332

Hargeysa (Hargeisa Press) – Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sheegay in qabashada doorashooyinku aanay u baahnayn in mucaaradka lagala heshiiyo.

Cabdinaasir Buuni waxaa uu sheegay in doorashada sharci hago oo aanay u baahnayn in axsaabta mucaaradka Somaliland lagala heshiiyo xiliga doorashooyinka la qabanayo iyo sida loo qabanayo.

Waxaa uu sheegay in hadii axsaabta mucaaradku ay doorashada diidaan in anay cidna ku qasbaynin, waxa uu sheegay in xisbigii aan doorasho galaynin uu xaq u leeyahay oo urruraduba diyaar u yihiin in ay galaan.

Buuno oo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay in axsaabta mucaaradku aanay aqoonsan doonin madaxweyne Biixi marka mudadiisu dhamaato, ayuu sheegay in madaxweynaha Somaliland aanu aqoonsi uga baahnayn madaxda mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here