Wasiirka Deegaanka Oo Furay Kulanka Wada Tashiga Siyaasada Maaraynta Qashinka

0
425

Hargaysa (HP): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta furay kulan hawleed lagaga Wada tashan doono Abuurista Siyaasada Qaran ee Maaraynta Qashinka dalka.

Kulan hawleedkaasi oo ka furmay magaaladda Hargaysa, waxaa wasiirka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale, iyo Agaasimaha Guud ee Qorsheynta Qaranka.


Kulan Hawleedkan waxaa soo agaasintay Waaxda Fayo-dhawrka Deegaanka iyo Bilicda Magaalooyinka ee wasaaradda deegaanka iyo isbedelka Cimiladda Somaliland.


Waxaana furitaanka kulankaasi lagu soo casuumay dhamaan qaybaha kala duwan ee Daneeyeyaasha ka ah arrmaha Qashinka.


Kulankaasi ayaa mudadda uu socdo waxaa lagaga arrinsan doonaa sidii loo dejin lahaa curinta Siyaasada guud ee Qaran ee Maaraynta Qashinka Dalka.

Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here