Af-hayeenka KULMIYE Oo Si Aadag Ugu Jawaabay Guddoomiyaha WADDANI

0
374

Hargaysa (HP): Afhayeenka xisbiga KULMIYE Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa si cilmiyeysan uga jawaabay eedaymo aan loo meel dayin oo dhawaan kasoo yeedhay Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Kuwaasoo gef ku ahaa haybadda madaxweynaha qaranka, islamarkaana uu kaga been abuurtay Dastuurka dalka.
Afhayeenka KULMIYE oo maanta saxaafadda kula hadlay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa Xirsi ku sifeeyey shaqsiyad gebi-dhaclaynta, fudaydka, qar iska-xoornimada iyo ceebaynta madaxda bulshada caan ku ah.
Isagoona tusaale usoo qaatay khiyaamooyinkii iyo ceebayntii uu ku sameeyey madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xilal kala duwan u magacaabay.
Cabdinaasir Buuni, waxa uu bulshada u sharraxay cidda uu Xirsi yahay, isaga oo taxay tiro khiyaamooyin ah uu ku sameeyey madaxweynihii Aaminay, isla markaana uu goobo fagaare ah kaga faanay.

Geesta kale afhayeenka KULMIYE waxa uu gef iyo dambi weyn oo qaranka laga galay ku tilmaamay eedaha xirsi ka yimi ee uu ku sheegay inuu dalka xukumo madaxweyne ajaanib ahi.
Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, waxa uu si cad u sheegay in Xirsi ku caan baxay fudayd iyo indho-adayg, balse uu dhawaanahan raacsaday cayda madaxda, isaga oo su’aalay waxa uu isagu (Xirsi) noqonayo marka uu madaxweynaha qaranku ajaanib noqdo.
Dhinaca kale Afhayeenka KULMIYE waxa uu wax laga xumaado iyo nasiib-darro ku tilmaamay inuu Xirsi isu beddelay difaaca koowaad ee Farmaajo oo ah cadowga dhabta ah ee qarankani leeyahay.
Isagoona intaas raaciyey in xeerka Tamarta iyo korontadu uu yahay dhaqangal, madaxweynuhuna uu qalinka ku duugay, balse uu Xirsi arrintaas ka been abuurtay.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here