64 Sanno ka hor dharaartii ay Somaliland Gobanimada heshay 26-June 1960

0
1468

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afar iyo Lixdan sano ka hor, waxa ay ahayd maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii June 1960 oo haatan laga Joogo mudo ku siman 64 Sannadood.

26 june 1960-kii waxaay ahayd maalintii ugu horeysay ee Magaalada Hargeysa laga taagay calan Soomaali, waxaanay noqotay meeshii hoggaamisay xorriyaddii dhalatay oo Soomaalida oo dhan iygoona dadku ku faraxsanaa xorriyadda habeenkaas 26-ka June.

26kii June 1960, waa dharaartii Somaliland gobanimada heshay, waa ayaantii ay noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin.

Waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayay, wKaxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday, waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad.

Maalintan oo ahayd dharaartii u horaysay ee Calan ay qaataan dadyawgii Soomaaliyeed ee shanta ahaa waxay Somaliland mulki u heshay inay Jiritaankeeda aqoonsadeen 36 dal oo ka mid ah Caalamka ka hor intii aanay afar cisho kadib midow aan shuruud lahayn oo lagu hungoobay la gashay Soomaaliyada Konfureed oo iyagu ka hoos baxay gacantii gumaystihii Talyaaniga 1-dii July ee isla sannadkaas.

Dadkii habeenkaa qaybta ka ahaa diyaarinta xafladdii debaaldegga xoriyadda ee lagu qabtay Hargeysa, waxaa ka mid ahayd Allah ha u naxariistee Fanaanadii Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo ahayd haweeneydii ugu horraysay ee Soomaalida ee heesta, oo heesteedii ugu horesayna1952 laga baahiyay Raadiyo Hargeysa, waxanay intii ay noolayd ka warrantay halgankii xorriyadda loo galay iyo maalintii calansaarka ee ku caanbaxday ‘kanna siib kanna saar’.

Guduudo Carwo, ayaa wixii dhacay habeenkii calansaarka ee beerta xorriyadda ee Hargeysa waxa ay ku tidhi: “Ninkii joogay umbaa joogayee, farxad, oohin baa imikadan i haysa, yacni wax kale ayay ahayd,” ayay tidhi.

“Annaga waxaan moodaynay in Soomaali oo dhan dambigoodii la dhaafay, ummaddu jaceylka ay isku qabtay – Laa Ilaaha Muxamadduu rasuulullaah – wax la soo koobi karo ma ahayn.”.

Waxay ay dadkii ka qaybgalay maalintaas ku tilmaameen maalin ay wada sugayeen Soomaalidu.

Magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd maamulka gumaystihii Britain ee Somaliland, todobaadyadii ka hor maalinta xoriyadda, waxay kooxihii xorriyad-doonka ahaa ka wadeen diyaar garow aad u ballaadhan oo ku aadanaa waynaynta maalintaas.

Maalintaas iyo habeenkeedii dadku ma aanay seexan oo farxad, raynrayn iyo damaashaad ayay isugu hambalyeynayeen, taasina waxay ku qasabtay badhasaabkii xilgaa Somaliland maamuli jiray inuu dalka isaga dhoofo inta aan wakhtiga rasmiga ah la gaadhin ee isku badalidda labada calan.

Xafladda waxaa lagu qabtay xarunta Radio Hargeysa, dadkuna waxay ka daawanayeen buurta ka sarreysa xarunta. Balse Booliska waxay qabeen walwal gaar ah oo ahaa in magaalada la boobo, waayo dadkii ayaa isaga yimid meel furan.

Buurta iyo waxa soconaya inay dadku ka fogaadaan may doonayn oo xamaasadda dadka haysay ayaa weynayd.

Xaflad ballaadhan oo ay ka soo qeybgaleen madaxdii halgankii xorriyad doonka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada, waxaa aad uga dhex muuqday dadkii gabayada tirinayay iyo fannaaniintii waagaas oo uu ka mid ahaa Allah ha u naxariistee abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacade, oo lagu tilmaamay in uu ahaa waddani wayn, laguna xasuusto gabayga caanbaxay ee “kanna siib kanna saar”, iyo rag iyo gabdho kale oo magac leh.

Waxyaabaha taariikhiga ah ee lagu xasuusan karo 26-kii Jun 1960-kii

Iyadoo ay 6 maalmood ka hadshan tahay dabaal dega xuska 26-ka June, waxay Shabakadda HargeisaPress idinla wadaagaysaa waxyaabaha ay tahay inaan ku xasuusanno 26-ka June oo leh taariikh gaar ah, waana maalin qiimo weyn leh.

Taariikhyahanada Somaliland wax badan ayey ka qoreen xuska maalintaas. 26-ka Jun waa maalin lagu xasuusto safarkii lagu soo afjaray maxmiyaddii Ingiriiska. Sidoo kale waa maalin ina xasuusinaysa raadadkii taariikheed ee gooni isu taagga Somaliland. Waa maalin la sameeyay heeso wadani ah iyo gabayo. Inta badan heesihii gobannimada, maansooyinka ayaa noqday kuwo caan ah oo taabtay dareenka iyo shucuurta shacabka Somaliland.

Waa maalin taariikhi ah oo lagu xasuusan doono sagootintii ay ku sagootiyeen guddoomiyihii ugu dambeeyay ee Ingiriiska Sir Douglas Hall iyo xaaskiisa oo u socdaalay UK. Waa maalin mudan in la xuso dhambaalkii Boqorada Queen Elizabeth ee uu jeediyay Mr.TE Bromley, taas oo ku aadanayd gooni-isu-taagga Somaliland. Nuxurka dhambaalkaasi waxa uu u dhignaa sidan “Aniga, xukuumadayda iyo shacabkayga ku dhaqan dalkan Ingiriiska, waxaan idinku hambalyeynayaa maalintan xoriyada, xidhiidhka dadkeenu waxa uu soo taxnaa muddo 130 sanadood ah iyo maamulkii maxmiyad ee Ingiriiska oo 60 sano jirsaday. Waxaan rajaynayaa saaxiibtinimo joogta ah oo dhex marta labadeena dal ”.

Ma ahayn dhambaalka hambalyada ah ee dawladda Somaliland soo gaadhay oo keliya, waxa kale oo jiray dhambaallo salaan iyo hambalyo ah oo ay Somaliland ka heshay madax kale oo ajaanib ah oo ku saabsanayd maalinta xorriyadda ee 26 June 1960-kii.

Waa maalin mudan in la xasuusto Somaliland oo yeelatay dowlad u gaar ah, Dastuur la sameeyay horraantii 1960kii iyo xisbiyo siyaasadeed sida SNL, NUF iyo USP. Somaliland waxay aqoonsi caalami ah ka heshay 35 wadan oo ay ka mid yihiin China, Masar, Ethiopia, France, Ghana, Israel, Libya iyo Soviet Union.

Xaqiiqooyinka aan la ilaawi karin ee ku saabsan gooni-isu-taagga Somaliland waxa ka mid ah maqaal ku soo baxay wargeyska Daily Herald Arbacadii June 1960-kii, taas oo ku beegan saddex maalmood ka dib markii ay Somaliland xornimadeeda qaadatay. Nuxurka qoraalka ayaa u qornaa sidan “ Saddex maalmood ka hor ayay xornimadeedii qaadatay, Jimcihiina way ka tanaasultay”

Warbixintan waxaa qoray bahda Shabakada HargeisaPress

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here