60 Sano Ka Hor Maanta oo Kale Markii Somaliland Xoriyada Ka Qaadatay Gumaystihii Ingiriiska

0
1890

Hargeisa (Hargeisa Press)- Lixdan sano ka hor, maanta oo kale, ayey aheyd markii Somaliland ay xorriyadda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Magaalada Hargeysa oo xarun u aheyd maamulka gumaystihii Britain, todobaadyadii ka hor maalinta xoriyadda, waxay kooxihii xorriyad-doonka ahaa ka wadeen diyaar garow aad u ballaadhan oo ku aadanaa waynaynta maalintaas.

Waxay dadkii ka qeybgalay maalintaas ku tilmaameen maalin ay wada sugayeen Soomaalida.

Allaha u naxariistee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo Carwo) oo ahayd haweeneydii ugu horraysay ee Soomaali ahayd kana soo jeeday Somaliland, oo na heesteedii ugu horesay ee 1952 laga baahiyay Raadiyo Hargeysa.

Shamis waxay qeyb ka aheyd dadkii diyaarinayay xafladdii debaaldegga xoriyadda ee lagu qabtay Hargeysa.

Intii ay noolayd ayay ka warrantay halgankii xorriyadda loo galay iyo maalintii calansaarka ee ku caanbaxday ‘kanna siib kanna saar’.

Guduudo Carwo ayaa wixii dhacay habeenkii calansaarka ee beerta xorriyadda ee Hargeysa waxa ay ku tilmaantay: “Ninkii joogay umbaa joogayee, farxad, oohin baa imikadan i haysa, yacni wax kale ayey aheyd,” ayey tidhi.

 

“Annaga waxaan moodaynay in Soomaali oo dhan dambigoodii la dhaafay, ummaddu jaceylka ay isku qabtay – Laa Ilaaha Ilalaah Muxamadduu rasuulullaah – wax la soo koobi karo ma ahayn.”

Maalmihii ka horreeyay inta aanan xorriyad buuxdo la siin Somaliland sida uu jawiga ahaa waxaa ka warramay Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib, oo xilligaas ka mid ahaa saraakiisha booliska gobolada Waqooyi ee Somaliland, israacii ka dibna ka mid noqday madaxdii sarsare ee booliska Soomaaliya.

“Toddobaadkii ka horreeyay habeenkii 26-kii Juun wuxuu iska ahaa damaashaad, barnaamij baa laga qoray maalin walba wixii dhacayay ee laqabanayay, illeen barigaas dunida badankeeda baa xornimo qaadaneysay,” ayuu yidhi Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib.

Markii la soo gaadhay maalintii iyo habeenkii la isku badelayay labada calanna, dadkii joogay oo ay ka midka aheyd Guduudo Carwo waxa ay ku tilmaantay inay aheyd markii ugu horreysay ee “calan Soomaaliyeed oo xor ah uu dhul Soomaaliyeed oo xor ah ka dul babado.”

Ilaahay baa mahadi u sugnaatay oo ah kii Ingiriiskii naga xorreeyay, farxad wayn bay noo aheyd, ummadda Soomaaliyeed meelay joogtaba farxad wayn bay u aheyd,” ayey tidhi Guduudo Carwo oo aad ugu faraxsaneyd inay ka sheekeyso wixii xilligaas la soo maray.

Maalintaas iyo habeenkeedii dadku ma aanay seexan oo farxad, raynrayn iyo damaashaad ayey isugu hambalyeynayeen, taasina waxay ku qasabtay waaligii ama badhasaabkii goboladaas maamuli jiray inuu dalka isaga dhoofo inta aanan wakhtiga rasmiga ah la gaadhin ee isku badalidda labada calan.

“Calanka gumaystaha ninka mas’uulka ka ahaa ma sugin inta la laabayay, marka aroortii buu dhoofay, ninkii ku xigay baa wareejiyay xilka,” ayuu yidhi Janaraal Qaalib.

Walwalka booliska ee habeenkii calansaarka

Xafladda waxaa lagu qabtay xarunta Raadiyo Hargeysa, dadkuna waxay ka daawanayeen buurta ka sarreysa xarunta. Balse Booliska waxay qabeen walwal gaar ah oo uu Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib ku sheegay: “Annaga booliska ah wuxuu walwalkeena ahaa in magaaladan la boobo, waayo dadkii lahaa baa isaga yimid oo meel furan ma aanay jirin, marka sababtaas ayuu walwal gaar ah inoo hayay.”

“Tan kale buurta iyo waxa soconaya inaan ka fogaannana maynaan doonayn oo xamaasadda dadka haysay ayaa ina haysay, geesta kalana waxaannu ka warwarsanayn oo aannu haddba ku carareynay magaaladii inaanu soo sharqaminno,” ayuu yidhi Janaraal Qaalib.

Xaflad ballaadhan oo ay ka soo qeybgaleen madaxdii halgankii xorriyad doonka iyo qeybaha kala gadisan ee bulshada, waxaa aad uga dhex muuqanayay dadkii gabayada tirinayay iyo fannaaniintii waagaas oo uu ka mid ahaa Allaha u naxariistee abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacade, oo lagu tilmaamay in uu ahaa waddani wayn, laguna xasuusto gabayga caanbaxday ee “kanna siib kanna saar”, iyo rag iyo gabdho kale oo magac leh.

Tan iyo intii uu socday ololihii xorriyad doonka, Soomaalida meel walba oo ay dunida ka joogtay waxay ka midaysnaayeen sidii ay “heeryada gumaysiga isaga dulqaadi lahaayeen.”

Hargeysa ayaana noqotay meeshii hoggaamisay xorriyaddii dhalatay, oo Soomaalida oo dhan way ku faraxsanayeen xorriyadda habeenkaas 26-ka June, ay Somaliland ay gaadhay, sida ay sheegtay Guduudo Carwo: “Is jaceylka ay ummaddu isu qabtay iyo hilowga ay ummaddu isku qabtay, eedo wax wayn bay aheyd, oo wax sheeko lagu soo koobi karo ma ahayn.”

Hammigii 60 sano ka hor iyo halka maanta la joogo

Toddobaadkan waxaa lixdan sano ay ka soo wareegatay markii ay xorriyadda qaadatay Somaliland.

Hasayeeshee dadkii u soo joogay dhalashada xorriyadda waxay yaa ku doodayaan in aanay jirin xamaasaddii waagaas ay dadku qabeen.

“Maalintaas halkii la joogay waa laga koray, hasayeeshee xamaasaddii iyo niyaddii markii xorriyadda la sugayay taagnayd maanta taasi ma jirto, balse lama khasaarin oo waa la koray oo lixdan sannadood ayaa xor la ahaa,” ayuu yidhi Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib.

“Wax badan ayaa qabsoomay, magaalooyinkii intii way ka waynaadeen, dadkii intii way ka bateen, marka haddii geesta kale la eegana dee wax badan baa kordhay, oo dhibaatooyinka la soo maray baa hareeynaya waxa wanaagsan ee dhacay tan iyo 60-kii,” ayuu hadalka ku sii daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here