32 Guurada Maalinta-Qarannimada Somaliland Ee 18-ka May iyo Shanta Qaaradood

0
1440

Mahad oo dhammi waxay u sugnaatay ALLAHEENA WEYN ee inaga dhigay dad Muslim ah ee weliba inaga dhaliyey ummadda aynu nahay ee Jam. Somaliland. Waxaan hambalyo iyo bogaadin baaaxad leh u dirayaa dhammaanba ummadda Sharafta iyo Karaamada leh ee Jamhuuriyadda Somaliland, gudaha dalka iyo daafaha duniba, taasoo aan ugu hambalyeynayo Sannad-guurada 32-aad ee maalinta Qarannimada Jam. Somaliland. Sidoo kale, waxaan dhammaanba ummadda Jam. Somaliland ku hambalyeynayaa sida dadnimada iyo dal-jacaylka leh ee ay u xurmeeyaan una weyneeyaan maalinta Qarannimada JSL ee 18-ka May.

Waxa ah dhacdo caajaa’ib ah, habka iyo qaabka ay ummadda Jam. Somaliland u xusaan una qiimeeyaan maalinta Qarannimada ee 18-ka May, taasoo ayna cidna la wadaagin oo ay gebi ahaanba kaga duwan yihiin ummadaha kale.

Ummadda Jam. Somaliland waa ummadda keliya ee awood u leh inay maalinta qarannimadooda uga dabaal-degaan SHANTA QAARADOOD ee ay Dunidu ka kooban tahay!! Arrintani waxay 18-ka May ka dhigtay dhacdo bulsho oo caalami ah (Worldwide event). Tusaale ahaan sannadkii 2022-kii waxa qabsoomay in ku dhaw 84 xafladood oo looga dabbaal-degayo 18-ka May, kuwaasoo ka dhacay in ka badan 47 dal oo ah daafaha dunida oo dhan.

Haddaba, awoodda iyo kartida intaa leeg ee ummad iyo dal aanay dunidu weli aqoonsani ay u leeyihiin inay maalinta qarannimadooda sidaa u weyneeyaan waxa la odhan karaa waa arrin muujinaysa Kartida, Talo-wadaaga iyo Tayada ummadnimo see ay leeyihiin Shacabka Jam. Somaliland taasoo u suurto gelin karta inay qabsan karaan wax kasta oo ay dantoodu ku jirto oo ay u midoobaan.

WAX TARKA MAALINTA 18-KA MAY:

Mudnaanta iyo qiimaha ay leedahay Maalinta 18-ka May waxa ka markhaati ah waxtarka iyo dhaqaalaha badan ee laga helo xuska 18-ka May, gudaha dalka iyo dibaddiisaba, taasoo xataa ummadaha kale ee aan iyagu u dhalanin Somaliland ay si dadban iyo si toos ahba uga faa’iidaan.

Tusaale ahaan waxaa suuq xaamiya leh iibka astaanta Calanka, dharka kala duwan caruur, haween iyo rag ee ay ku xardhan yihiin astaamaha qaranka, maabka dalka, renjiga (casaan, caddaan iyo doog), warqadaha lagu dhejiyo baabuurta iyo gidaarrada (stickers), renjiga saddexda midab ah ee wejiga la mariyo, madbacadaha iyo xarumaha wax lagu daabaco iyo waxyaabo kale oo badan.

Sidoo kale, meel kasta oo ay tahayba, waxa iyaguna suuq aad u weyn leh baabuurta iyo basaska la kiraysto, Hoteellada iyo Hoolalka (Party Halls) xafladaha lagu qabto, meelaha haweenka iyo habluhu isku qurxiyaan. Xuska Maalinta Qarannimada Jam. Somaliland ee 18-ka May waxaa kobca suugaanta iyo hal-abuurnimada oo heeso, gabayo iyo geeraaroba ay abwaanadu u hibeeyaan maalintan qiimaha leh.

Waxa iyaguna daba-qabsi noqda heesaaga, codeeyaha, kuwa muusiga tuma iyo inta ku xeeran. Ha ka tegin, warbaahinta nooc kasta oo ay tahay 18-ka May (dhawr cisho ka hor iyo ka dib-ba) waxay u tahay fursad dahabi ah oo ay dhaqaale badan ka helaan, kuna muujiyaan kartida iyo xirfaddooda warbaahineed. Ugu dambayntii, shirkadaha telefoonnada ayaa iyaguna hela suuq wanaagsan maadaama uu isticmaalka telefoonnadu kor u kaco (gudaha dalka iyo dibeddaba).

Ummadda awoodda intaa leeg leh ee maalinta qarannimadooda dunida oo dhan uga dabaal-degaya, fikir ahaan waxaan aaminsanahay inaanu aqoonsigu waxbaba kala maqnayn, mar haddii ay iyagu isku aqoonsan yihiin inay yihiin Qaran iyo Ummad jirta oo la yidhaa JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

SOMALILAND ALLOW DHAWR,

Somaliland Guul iyo Horumar

Xuseen Adan Cige |Xuseen Deyr|

|Hargeysa, Jam. Somaliland|

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here