Booliska Somaliland oo Gacanta Ku Dhigay Dad Looga Shakisan Yahay Falal-Argagixiso

0
1978

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa sheegay in ay qabteen laba qof oo looga shakisan yahay falal argagixiso ah, kuwaasi oo gacanta lagu soo dhigay toddobaadkii u danbeeyay.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale waxa uu xusay in labadan qof ee argagixisada ah ay soo qabteen iyaga oo gacan ka helaya bulshada Somaliland.

Taliyuhu waxa uu ciidanka ku dhiirigeliyay inay la shaqeeyaan ciidamada booliska Somaliland, isla markaana ay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal-gelinaya nabadgelyada dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somalland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay wakhtiyada munaasibada 18 May ay si feejigan uga qayb qaataan ilaalinta amniga lana soo xidhiidhaan Ciidanka Booliska wixii ay ka shakiyaan.

Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Hadda toddobaadkii u danbeeyay dadku waxyaabo badan ayay soo sheegeen, waxa aanu ku guulaysanay oo aanu ka dhex helnay laba qof oo argagixiso ah, oo hadda soo galay magaalada, oo dhaqdhaqaaqii dadku ay sameeyeen ay ku soo saareen, waan idinku habalyaynayaa, dadka hawshaasi soo sheegayna waan ku hanbalyaynayaa.

Waa wax fudud haddii aynu isku xidhnaano qofkastana dhaqdhaqaaqa innagu xeeran ogaado wada boolis ayaynu noqonaynaa, ee saldhiga kuugu dhaw gaadhsii”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here