Ciidamada Qaranka Somaliland oo Darajadooda iyo Mushaharkooda Xeer Lagu Cayimayo

0
1590
Ciidamada Qaranka Somaliland
Ciidamada Qaranka Somaliland

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha guddida arrimaha ee golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Axmed Nuur Yuusuf Guruje, ayaa sheegay in ay curiyeen laba xeer oo mihiim ah, kuwaas oo kala ah xeerka aasaaska ciidanka Qaranka ama Milateriga Somaliland, iyo xeerka Garsoorka ciidamada.

Waxaanu xusay in qodobo dastuuri ahi sheegayaan in la sameeyo, isla markaana ay tahay markii u horraysay ee darajada ciidanka iyo mushaharkooda xeer lagu cayimo.

Waxaanu golaha la wadaagay mooshinka ay ku soo gudbiyeen labadaasi xeer ee mihiimka ah.

Xildhibaan Guruje waxa uu sheegay in ciidanka Qaranka lagu aasaasay shirweynihii labaad ee beelaha Somaliland ee magaalada Borama ee 1993-kii, waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidanka la sameeyo in dastuurku waajibiyay iyo axdi Qarameedkii beelaha, 2 Febarwari 1992-kii ayaa 500 ee askari ee lagu aasaasay ciidanka Qaranka la isu keenay.

Sidoo kale, waxa uu caddeeyay in mudada 29-ka sannadooda aanay suuragelin in ciidamada Qaranka xeer loo sameeyo, waxaanu tilmaamay in dastuurkii la sameeyay 2001-dii uu waajibinayo in ciidanka xeer loo sameeyo.

Geesta kale, waxa uu si guud mara uu soo koobay qaybaha xeerka ciidanka loo sameynaya uu ka kooban yahay, waxaanu xusay in uu ka kooban yahay 90 Qodob, kuwaas oo uu farta ku fiiqay in ay ka waramayaan qaab dhismeedka ciidanka Qaranka, xuquuqdiisa, waajibaadkiisa, hawl-gudashadiisa, daryeelka ubadka ciidanka, hawl-gabka iyo aqoonta, garsoorka, nidaamka ciidanka iyo casriyaynta nidaamka maaliyada.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay in carruurta dugsiyada sarre ama jaamacadaha ka baxa ay ku hamiyaan inay ciidanka Qaranka ku biiraan, waxa uu iftiimiyay si taas loo helo waa in cidkasta taqaano nidaamka mushaharo.

Waxaanu yidhi.“Ciidanka Qaranka waxa ugu sarreeya guud, haddaba sareeya guud mushaharkiisu waxa uu noqonaya wasiir, sarreeya gaas mushaharkiisu waxa uu noqonaya mushahar wasiir ku xigeen, sarreeya guuto mushaharkiisu waxa uu noqonaya agaasime guud, gaashaanle sarre ama korneyl buuxa afar meelood meel ka mida mushaharka sarreeya guuto, sidaas ayuu u soconaya ilaa xidigle, waana qaaciido”

Xildhibaan Axmed Nuur Guruje waxa uu soo jeediyay in la casrigareeyo mushaharka ciidanka Qaranka, oo ah sida aduunku mushaharka u qaato bulshadeena rayidka ahina u qaataan, waxa uu intaas ku daray in xeerkani uu qeexayo sida ciidamadu u dalacayaan, waxaanu intaas raaciyay in xeerkani sheegayo in 4 sanaba hal mar uu ciidanku dalacayo, waxa kale oo carabka ku dhaftay in ciidanku ay darajadoodu ku kordhayso heerka aqoontooda waxbarasho gaadhsiisan tahay.

Xildhibaan Guruje waxa uu is dultaagay garsoorka ciidanka Qaranka, waxaanu iftiimiyay in ayaandarada ugu weyn ee ciidanka Qaranka haysata ay tahay waaxda garsoorka.

Waxaanu yidhi.“Maxkamadda ciidanka Qaranku waxa ay ku shaqaysa wax loo bixiyay aaga barri iyo aaga galbeed, Sool iyo Sanaag maxkamadda ciidamada Qaranku ma joogto, markay wax ka dhacaan uunbay gaadhi ku tagtaa.

Qaybta kalena waxa loo bixiyay aaga galbeed, sidii maalintii dhaweyd Borama ka dhacday markay wax dhacaan ayay gaadhi ku tagtaa, garsoorayaasha maxkamadda ciidanka iyo guddoomiyaha maxkamadda ciidanka Qaranku inooma qorna, xeerkani waxa uu siguud uga hadlaya aasaaska iyo nidaamka ciidanka isla markaana noqonaysa mid la isla yaqaano,”

Gaba’gabadii waxa uu sheegay faa’idada Qaranka ugu jirta xeerkan haddii ay mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ansixiyaan, waxaanu tilmaamay in hay’addii Qaranka hawsha ugu badan u haysay, miisaaniyada ugu badana ay ku baxaysay ay bilaa xeer tahay.

Waxaanu yidhi. “Haddii xeerkani ansaxo waxa ka dhalanaaya siyaasada difaaca, in la helo qorshe difaac oo xeerkani sheegayo, in la casriyeeyo qaab dhismeedkii ciidanka, in la horumariyo ciidanka Qaranka, xuquuqda iyo daryeelka ay u baahan yihiin ciidanku, tusaale haddii ay tahay in carruurta ciidanku dhaleen ay lacag la’aan wax ku bartaan, kagana bartaan dugsiyada dowladda, kuwa gaarka loo leeyahayna ay xuquuq ku yeeshaan, sababto askariga waddanka u dhimanaya ee u naafoobaya, in la yidhaahdo mushahar yar oo kooban uunbay xuquuqdaadu noqonaysa maaha mid uu istaahilo, waa askarta loo sameeya ID-CARD, iskuulada lageeyo, oo ciyaalkiisa daryeel lagu siiyo, askarteenuna way innaga mudan yihiin arrinta, dalkeenu maanta dagaal ayuu ku jira, daryeel ayuu ubaahan yahay, difaaca dalka waxaad kaga qayb qaadan karaysaan xeeran oo aad ansixisaan oo aad ka doodaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here