Hannaan Cusub oo Lagu Dhimayo Khataraha-Deegaan Ee Kiimikada oo La Ansixiyay

0
663

Berlin (Hargeisa Press)- Shirweynaha shanaad ee Caalamiga ah ee Maareynta Kiimikada (ICCM5), ayaa lagu soo gebagebeeyey magaalada Bonn ee dalka Jarmalka, iyada oo la ansixiyey qaab-dhismeed caalami ah oo dhammaystiran kaas oo dejinaya yoolal la taaban karo.

Shirka, ayaa waxaa ka qayb galay wakiillo ka socda dowladaha adduunka, qaybaha gaarka loo leeyahay, Ururada aan dowliga ahayn, ururada dawliga ah, dhalinyarada, iyo saynisyahano ku xeel dheer arrimaha deegaanka.

Wufuuddii ka qayb-gashay Shirka caalamiga ah ee Maareynta Kiimikada (ICCM5), ayaa ansixiyay hannaan cusub oo caalami ah oo lagu dhimayo khataraha deegaan ee kiimikada.

Shirkaas, ayaa gorgortan adag ka dib waxaa lagu ogolaaday qaab-dhismeedka caalamiga ah ee Kimikada, iyadoo laga soo saaray baaq horseed u noqon kara dhiiri-galin siyaasadeed oo lagu dhaqaajiyo fulinta heshiiskaasi.

Qaab-dhismeedkan, ayaa ku salaysan ilaa 28 bar-tilmaameed kuwaas oo ujeedadoodu tahay in lagu wanaajiyo maareynta tolmoon ee kiimikooyinka iyo qashinka.

Dowladaha, ayaa balan-qaaday in ay abuuraan, 2030 sharciyo lagu dhimayo wasakhowga kiimikada, laguna hirgalinayo siyaasado lagu horumarinayo beddelaad badbaado leh.

Warshadaha, ayaa dhankooda balan-qaaday in ay dejin doonaan qaab haboon oo ay u maareeyaan kiimikooyinka si ay u yareeyaan wasakhowga kiimikada iyo saamaynteeda daran marka la gaadho 2030.

Qaabdhismeedkan cusub waxaa uu ku baaqayaa, in marka la gaadho 2035, saaxada laga saaro noocyada halista ah ee sunta cayayaanka beeraha, taas badelkeedana la adeegsado mid ka halis yar.

https://www.unep.org/news-and-stories/press-release/global-framework-agreed-bonn-sets-targets-address-harm-chemicals-and

Global framework agreed in Bonn sets targets to address harm from chemicals and wasteHighlights and images for 29 September 2023

Delegates

Anita Breyer, ICCM5 President

Ambitious action to phase out world’s most dangerous pesticides urged

CoW

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here