โ€œ๐ƒ๐ก๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ฒ๐š๐ซ๐จ ๐€๐š๐ฆ๐ข๐ง๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐ข๐ข๐ง๐š sababto ah waxa keliya ee idin xaqsiinayaaโ€ฆโ€

0
404

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhallinyarada ku booriyay inay aaminan Qarannimada, waxaanu sheegay in waxa kaliya ee xaqsiinaya in ay tahay Qarannimada.

Waxaanu sheegay in Qabyaalada dhadhan fara badan lagu hayo, balse waxa uu xusay in aanay qabyaaladu mustaqbalka dhalinyarada aanu u fiicnayn, waxna aanay uga tarayn.

Waxaanu yidhi โ€œDhallinyarooy waa in aad aamintaan Qarannimadiina, sababto ah waxa kaliya ee idin xaqsiinaya waa Qarannimadaโ€.

Maxamed Kaahin, ayaa tilmaamay in wakhtigan la joogo ay bulshadeenu aad u aaminsan tahay qabyaaladda.

โ€œWaxa imika aad loo aaminsan yahay waa Qabyaalada oo dhadhan fara badan ayaa lagu hayaa.

Balse dhallinyarooyin mustaqbalkiina difaacimayso Qabyaaladu, idina xaqsiinmayso, idina horumarinmaysoโ€ ayuu yidhi wasiirka Daakhiliga Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here