Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Yeeshay Madaxda Xisbiga WADDANI

0
374

Hargeysa -(HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay masuuliyiinta xisbiga WADDANI.

Waxaanu kulanka la yeeshay madaxweynuhu Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo uu weheliyo siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka mida ah Hoggaanka Xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Sulub Maxamed.

Waxaana kulanka la iskaga xog waraystay guud ahaan xaaladda dalka, waxaana la isla qaaday in loo midoobo difaaca Qaranka, mudnaantana la siiyo midnimada iyo danaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa sidoo kale laga wada hadlay doorashooyinka ku soo foolka leh dalka, waxaana la isla qaatay in Komishanka Doorashooyinka Qaranka looga dambeeyo arrimaha khuseeya doorashooyinka.

Ugu danbayna waxa kulankaasi ku soo dhamaaday is afgarad buuxa iyo wada jirka danaha qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here