Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhallinyarada ku booriyay inay aaminan Qarannimada, waxaanu sheegay in waxa kaliya ee xaqsiinaya in ay tahay Qarannimada.
Waxaanu sheegay in Qabyaalada dhadhan fara badan lagu hayo, balse waxa uu xusay in aanay qabyaaladu mustaqbalka dhalinyarada aanu u fiicnayn, waxna aanay uga tarayn.
Waxaanu yidhi βDhallinyarooy waa in aad aamintaan Qarannimadiina, sababto ah waxa kaliya ee idin xaqsiinaya waa Qarannimadaβ.
Maxamed Kaahin, ayaa tilmaamay in wakhtigan la joogo ay bulshadeenu aad u aaminsan tahay qabyaaladda.
βWaxa imika aad loo aaminsan yahay waa Qabyaalada oo dhadhan fara badan ayaa lagu hayaa.
Balse dhallinyarooyin mustaqbalkiina difaacimayso Qabyaaladu, idina xaqsiinmayso, idina horumarinmaysoβ ayuu yidhi wasiirka Daakhiliga Somaliland.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.