Xukuumadda Somaliland Oo Ka Jawaabtay Walaacii Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey Ka Muujiyey Geedi Socodka Doorashooyinka Somaliland

0
1391
xoghaye Antonio Guterres iyo Sacad cali shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay walaacii uu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ka muujiyey geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Xoghayaha guud ee qaramada Midoobey ayaa warbixintiisii u danbaysay ee golaha amaanka Qaramada Midoobey wuxuu walaac kaga muujiyey dib u dhaca doorashooyinka Somaliland.

“Waxaan aad uga walaacsanahay dib u dhaca soo noqnoqday ee ku yimid doorashada Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka Somaliland,Arrintaas oo si tartiib-tartiib ah u burburaysa ballantii iyo aaminadii marka hore soo xoogaysanaysay ee lagu qabay geesi socodka Dimuqraadiyadda Somaliland,Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqayaa in ay dib u eegis ku sameeyaan wareega Doorashooyinka oo ay u dajiyaan jadwal ku yimid wada tashi loo baahan yahay”sidaas ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Hadaba idaacadda BBC-da qaybta Focus On Africa ayaa wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire waydiisay bal waxa uu kaga jawaabayo walaaca xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ,waxaana uu wasiir Sacad sheegay in dib u dhaca ku yimi doorashooyinka ay sababeen abaaro adag oo dalka ka dhacay  “Annaguba kuma faraxsani dib u dhacyadaas”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad oo intaasi raaciyey inay dib u dhaca keeneen abaaro adag oon hore uga dhicin Somaliland oo sanadkan la arkay.

“Marnaba suurto gal may noqoteen in doorashooyin la qabto Bishii March ee sanadkan,abaaraha jiray dartood,waxaanuse doorashooyinka qabanaynaa Bisha November ee sanadkan”ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Mar la waydiiyey bal inuu damaanad qaadayo in bishaasi doorashooyinku dhacayaan  ayaa waxa uu sheegay inay hubaal tahay in doorashooyinku ay dhacaan bishaas November ee loo qorsheeyey.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here