Xildhibaan U Sharaxan Maayarka Gabiley Oo Ucid Ku Eedeeyay Inay Hor Taagan Yahay Qorshe 14 Xildhibaan ku Dooran Lahayeen Maayar Cusub

0
802
Xildhibaan Iid Xasan Cabdi
Xildhibaan Iid Xasan Cabdi

Gabiley,(HargeisaPress) — Xildhibaan Iid Xasan Cabdi, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha degaanka Gabiley ayaa Sheegay in Xildhibaano Ucid ugu jira Golaha degaanku marin habaabinayaan qorshe 14 Xildhibaan ku dooran lahaayeen Maayar islamarkaana ay xilka kaga qaadi lahaayeen Maayarka wakhtigan

Xildhibaan Iid oo u taagan inuu bedelo Maayarka wakhtigan ayaa beeniyay warar hore loo baahiyay oo ku aadan inay jiraan Xildhibaano maayar lagu bedelayo Maayarka wakhtigani uu jiro.

“Anigoo ah xildhibaan Iid Xasan Cabdi, kana tirsan Golaha Degaanka ee Degmada Gabilay, waxaan caddaynayaa in aan ahay murrashax u taagan jagada maayirnimada magaalada Gabilay, marka xilka laga qaado maayirka hadda jooga ee Md. Shucayb Maxamed Muuse, waxaanan beeninayaa, war aan sal iyo raad lahayna ku sheegayaa in aanay waxba ka jirin, la iskana samaystay war lagu baahiyey, kaasoo lagu sheegay in 16 xildhibaan isku raaceen murrashaxa u beddelaya maayirka Gabiley ee kalsoonida lagala noqday, lana doortay xildhibaan la yidhaa Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo xisbiga UCID ka tirsan, waxaanna meesha arrintaas lagu go’aamiyey fadhiyey 8 xildhibaan oo qudha, balse may ahayn 16 xildhibaan, arrintaasina waxay ahayd mid siyaasadaysan oo si xun loo maamulay, mid wax ka jiraana maaha

Waxaanan leeyahay aniga murrashaxnimadaydu waa halkeedii, waxbana iskama beddelin, ciddii Ilaahay qadaro ayaana maayir noqon doonta, maayirka hadda joogaana marka Ilaahay qadaro ayuu xilka bannayn doonaa, mana ah wax gacan bani’aadam ku jirta,” ayuu yidhi Xildhibaan Iid Xasan Cabdi Oo u Waramay Jamhuuriya.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay in Xildhibaano Ucid ka tirsani marin habaabinayaan Qorshe 14 Xildhibaan iskaga dhex dooran lahaayeen Cida Bedelaysa Maayarka haatan “Halka ay ahayd in 14 xildhibaan oo hawsha xil-ka-qaadista maayirka waday ay isu yimaadaan, fadhi ay u dhan yihiina yeeshaan, ayaa waxa dhacday in qaar xildhibaannada ka mid ah fadhigaas ka baaqdeen, waxa isu yimi 8 xildhibaan oo qudha, una badan xisbiga UCID, waxayna si khiyaamo ku jirto isula garteen inay iska dhex doortaan cidda maayir loo sharraxayo, anniguna waxaan soo jeediyey in la sugo xildhibaannada kale ee maqan, fadhi kalena la isugu yimaad si iyadoo la dhan yahay hawsha loo galo, taasna waa la iga diiday, kadibna waan ka baxay, waxaanan u sheegay in aan xildhibaannada kale ee maqan u tagayo, maadaama ay yihiin kuwa anniga ii coddaynaya.” Ayuu sheegay Xildhibaanku

Ugu dambeyntii wuxuu eedayn u jeediyay Xisbiga Ucid “Xisbiga UCID oo fulinaya siyaasado u gaar ah ayaa caqabad ku ah danta reer Gabilay iyo in xildhibaannadu xilka ka qaadaan maayirka, ahna Guddoomiyaha Golaha Degaanka ee Gabilay, qorshaha xisbiga UCID iyo 8-da xildhibaan ee la socdaa wadaan waa mid muddo-kordhin loogu samaynayo maayirka Gabilay,” ayuu yidhi Xildhibaan Iid Xasan Cabdi oo ka mid ah xildhibaannada xisbiga WADDANI ugu jira Golaha Degaanka Gabilay.

Golaha degaanka Gabiley ayaa mudo ku foognaa sidii ay xilka uga qaadi lahaayeen Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, iyadoo dhawaana la fasaxay fadhiyo Goleyaashu ku bedeli karaanra Maayarada.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here