XEER-JIR & XOOLO-JIR: Qaybtii 1aad Ninkaad Kabihii Tolayso Ayaa Kaffankaa Tolaaya. Qalinkii Jamal A. Muse.

0
1147

“Gorfeynta Xadka Gummeynta & Galalafka Xoolo-jirka & Ka Sayid Calaynta Xeer-jirkii Xilkasta ahaa”

Sidda looga qaateenku soo wariyay, marka laga hadlaayo hanaankii xulasho hogaamineed ee Soomaalidii hore, waxaa hoggaamiyaha bulshadda laga soo xuli jiray jinsiga labka ah, iyaga oo loo sii qaybin labo waaxood oo waawayn, oo shaqada iyo hawl fulintuna u kala qeexneyd, waxaana labadaa qaybood la kala odhan jiray, Xeer-jir & Xoolo-jir. Hadaba qormada tan aynu ugu wanqalay Xeer-jir & Xoolo-jir, an ku qaadaa dhigo kala gedisnaanta labadan kooxood ee halka jinsi ku wadda aroora. Sidaa awgeed Xeer-jirku waa nin ku sifaysan astaamahan soo socda:

  • Nin maankiisa ka shaqaysiiya.
  • Nin adkeysi badan oo horusocod hoggaamineed leh.
  • Nin sharci iyo nidaam sugan ku dhaqma.
  • Nin balan iyo Fulin leh.
  • Nin halabuur iyo isku hayn ummadeed leh.
  • Nin xil-hayn & xilkasnimo leh.
  • Nin gari gasho, kana baxdo.
  • Nin abaal gala oo hadana guda.
  • Nin geesi ah oo maalinta adag wax dhicin kara, hadana wax badbaadin kara oo aan dumarka iyo ciyaalka dhex meeraysan.
  • Nin dusha ka daalacda xaalada dahsoon ee bulshadda uu maamulayo, oo xogogaalnimo qoto dheer leh.
  • Nin aan cid ku nin ahayn “Qabiil, Qoom, Koox, Qof iwm”
  • Nin aan xil ku ahayn “Mid aan bood-boodin inta uu xilka hayo marka danbena aan la waayin meel uu jaan iyo cidhib dhigay”.
  • Nin aan xoolo ku nin “Nin jeebka iyo Caloosha ka ciidamiya”.
  • Nin xilka Ummadda darajo kasta oo uu hayo u arka ammaano ummadeed oo beritana ciddi bedeli doonto.
  • Nin go’aan gaadhi kara oo hadana socodksiin kara.
  • Nin dhawri og Sharafta iyo dhegsamaanta guud oo lafta iyo ludda an marna jabin oo an jarin.
  • Nin ka aragti duwan dadka caadiga ah oo arki kara wax ka fog million miles oo ka Nadiif ah saddex shay:
  1. Gacmo laaban.
  2. Gar eexo.
  3. Guddoon jilican.
  • Nin intaa iyo in ka sii badan leh.

Dhanka kale, Xoolo-jirka ayaa sifaysan astaamahan soo socda:

  • Nin irmaaneeye ah oo kaliya guurka haweenka, dhalmada ubadka, sahanka iyo daryeelka xoolaha ka adag, balse talada ummadda lagu aamini karin.
  • Nin go’aan jilicsan oo hadana faan badan.
  • Nin magac kale maal ah oo aan kiisa ku meel mari karin.
  • Nin maan iyo garasho lingaxan oo hadana liita oo nin ka dhawra dheengan la dhaca.
  • Nin wixii rag xeerin jiray xaaraan ka dhigay.
  • Nin dhuuxa iyo dheecaanka nafaqada badan naftiisa la jecel oo daaro waawayn ka binneeya koonka.
  • Nin xilkasnimo iyo xilgudasho ka hawaawiray.
  • Nin xiddid adag isku sheegga oo hadanna xagtintu riddo.
  • Nin maalin galinkeed hirfaha loogu laabi karo hadii rag u kaco oo rabi alkumo.

Akhristeyaal, bal si dhugan iila dhugta hab-dhaqankii, hanaankii xulashadii hoggaanka ummadda Soomaalida iyo sidii ay waynayn  iyo u laheyd xujo adag. Runtii waxa caddaan ah in dawladnimada ka hor dadka Soomaaliyeed ahmiyad wayn siin jireen, kartida iyo awoodda hoggaamineed ee cidda hoggaamineysa ummada. Taasi oo ka han iyo himilo sareysay heerka maanta ay ku xushaan labbeenta iyo hoggaamiyaha ummadda. Run ahaantii  waxa lama taabtaan u aheyd hogaaminta suubban iyo hannaanka gobanimada ku dhisan. xaqiiqdii adiga oo an iga boodin bal qormada tan u dheefso si tognaan sare leh oo si ka fiirsi  badan maanka ula kaasho,  uguna dhereri  hannaanka Xulashadda hoggaamiyaha qarnigan iyo waxa maanta geyigeenna ka jira.

xariiqdii Xoolo-jirkii “Ma aha reer miyinimo ee waa meesiga shaqada” shalay ayaa xeer-jir noqday oo fursad u helay hoggaaminta iyo haggida talada muddan ee ummadda, iyaga oo labo shilin iyo shaqo shilis isku dhuftay, ha noqoto shaqo gaar ah, ha noqoto shaqo dawladeed, amma ha noqoto kuwo u heelan haggida hogaaminta guud ee ummadda. Tani macnaheedu Ma aha in dhammaan hoggaaminta iyo muddanta ummaddu sifahan wadda leedahay, Mana aha mid qolo iyo cid gaar u tilmaamaysa ee waa qaar ka mid ah hoggaaminta iyo hoggaamiyeyaasha qaloocan ee maanta geyigeenna ragaadiyay. sidaa darteed hal-sheegtaydu ku sifoobi mayso cid gaar ah…..La soco qaybo kale oo muhiim ah.

By: Jamal A. Muse

dankaabo@hotmail.co.uk/jamalabdiya@gmail.com/hirdheer@gmail.com

kuala Lumpur , Malaysia

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here