WHO oo sheegtay in Kenya ay khatar ugu jirto inuu ka dillaaco cudurka Ebola

0
851

EbolaNairobi (HargeisaPress) — Hay’adda WHO oo caafimaadka dunida u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Kenya ay khatar ugu jirto in uu ka dilaaco cudurka halista ah ee Ebola, kaasoo in ku dhow kun ruux ku dilay dalal ku yaalla galbeedka Afrika.

Warbixin ay WHO soo saartay ayaa lagu xusay in safarrada diyaaradaha ka yimaada galbeedka Afrika ee ee soo gaara dalka Kenya ay keeni karaan in cudurkan uu fudud uga dillaaco dalkaas.

Sidoo kale, hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in tani ay keeni karto in cudurkan uu ku faafo dalalka ku yaalla Geeska Afrika, iyadoo warbixinta ku xustay in haddii tani dhacdo ay khatar ku noqonayso dad badan oo ku nool gobolka.

Culummada caafimaadka dunida ayaa dadaal weyn ugu jira sidii ay ku heli lahaayeen daawo cudurkan dilaaga ah lagula tacaalo, isagoo haatan ku sii faafaya dalal hor leh oo ku yaalla Galbeedka Afrika.

Dalka Nigeria ayaa labo kiis oo cudurkan ah laga helay, waxayna wararku sheegayaan in qofkii saddexaad uu u dhintay cudurkan maalintii Salaasada ahayd ee toddobaadkan.

Illaa iyo hadda cudurkan waxaa ugu dhintay dalalka uu faraha ba’an ku hayo dad gaaraya 1,069-qof sida ay sheegtay haya’dda WHO, iyadoo cudurkan uu dhibaato badan ku hayo dadka ku nool dalalka Sierra Leone, Gini iyo Liberia oo dhammaantood ku yaalla Galbeedka Afrika.

Xukuumadda Kenya weli wax jawaab ah kama bixin warbixinta ay soo saartay hay’adda caafimaadka WHO, iyadoo weli ay diyaaradaha Kenya si caadi ah duulimaadyadoodii ugu tagaan dalalka gobolkaas ku yaalla.

Dhanka kale, xildhibaan, Diiriye Cabdullaahi oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Kenya ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay qaaddo tallaabo ay kaga hortagayso in cudurka Ebola uu soo gaaro Kenya, wuxuuna intaas ku daray in tallaabada ugu wanaagsan ee ay qaadi karto ay tahay inay joojiso diyaaradaha faraha badan ee ka imaanaya waddamada ku yaalla Galbeedka Afrika.

Mudanuhu wuxuu dhaliilay habka baarista caafimaadka ee garoommada Kenya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo faya-dhowrka iyo baarista lagu sameynayo dadka galbeedka Afrika ka imaanaya, si aanu dalka u gelin qof cudurka qaba, maadaama qofka calaamadaha cudurkan aysan si dhaqso ah uga soo bixin qofka.

Waddamo badan oo caalamka ah ayaa horay u joojiyay duullimaadyo ay diyaaradahoodu ku tegi jireen diyaaradahooda dalalka uu cudurkan ka jiro ee galbeedka Afrika, cabsi ay ka qabaan in cudurkan halista ah uu gaaro dalalkooda.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here