Wefti Uu Hogaaminayo Guddoomiyaha ONLF Oo Addis Ababa Lagu Soo Dhaweeyay

0
901

Addis Ababa (Hargeisa Press.com): Waxaa subaxnimadii saaka garoonka diyaaradaha magaaladda Addis Ababa ka soo degay wefti uu hogaaminayay guddoomiyaha jabhadda ONLF Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Iyadoo weftiga  ONLF  ay si diiran u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka socday dwlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo uu ka mid ahaa madaxweyne Mustafe Cagjar iyo  wasiirka maaliyadda dawladda federaalka Axmed Shide.

Weftigan ayaa ka soo kicitimay magaaladda Asmara ee dalka Erithteria oo saldhig u ahayd jabhadda OLNF.

Sidoo kale waxaa soo dhawaynta ka qayb qaatay masuuliyiin ka socday dalka Kenya oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Faarax Macalin iyo danjire Maxamed Cabdi Afey, oday dhaqameed iyo dad shacab ahaa.

Admiral Maxamed Cumar Cismaan, guddoomiyaha jabhadda ONLF oo warfidiyeenka kula hadlay garoonka diyaaradaha Addis Ababa ayaa shaaciyay in aanay joojinaynin halgankoodii, isla markaana ay si nabadgelyo ah ku sii wadayaan.

Waxaanu sheegay in ay rejaynayaan in shacabka degaanka Soomaalida Itoobiya ay nabada ka shaqayn doonaan.

Weftigan uu hogaaminayo guddoomiyaha ONLF ayaa lagu wadaa in ay maalinta beriya soo gaadhaan magaaladda Jig-jiga ee degaanka Soomaalida, sida uu xusay Admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Geesta kale imaanshiyaha weftigaasi ayaa si weyn looga dareemayaa magaaladda Jig-jiga, iyadoo suuqyadda magaaladda iyo wadooyinka aad loogu sharaxay calanka jabhadda ONLF iyo ka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhinaca kale waxaa dhawaan magaaladda Jig-jiga ka soo degay laba diyaaradood oo siday boqolaal ka tirsan ciidamadda jabhadda ONLF oo ka soo kicitimay dalka Erithteria oo saldhig u ahaa jabhadda.

Tallaabadani ayaa imanaysa kadib markii xukunka dalka   Itoobiya uu qabtay raysal wasaare Abiy Axmed, kaasoo badhtamihii sanadkan jabhadda ONLF ka saaray liiska argagixisadda oo ay hore ugu dartay xukuumadii Males Zenawi.

Taasoo raysal wasaare Abiy ku sheegay in looga dan leeyahay si loola jaan-qaado isbedeladda ka socda dalka iyo  sii ambaqaadka dib u heshiisiinta iyo nabadda.

Ururka ONLF oo in ka badan 20 sanadood dagaal hubaysan kula jiray dawladda Itoobiya ayaa u jeedada dagaalkoodu ahaa in gobolka Soomaalida uu madax banaani ka qaato Itoobiya inteedda kale.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here