Wefdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq oo soo gaadhay Muqdisho + SAWIRO

0
932

MUQDISHO, (HargeisaPress) —Madaxweyne ku xigeenka dalka Ciraaq, horayna u soo noqday Raysal Wasaarihii hore Ciraaq, Ayad Allawi & Wafdi uu Hor-kacayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo kulammo la qaatay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh iyo Raysal Warsaare  Sharma’arke.

 

Wafdiga uu hoggaaminayo Allawi ayaa waxaa garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Raysal Warsaare  Somalia, Xubno ka tirsan Wasiirrada iyo Baarlamaanka Somalia, iyadoo ay soo dhaweynta qayb ka ahaayeen safiiradda Somalia u fadhida dalka Ciraaq.

Madaxweyne_ku_xigeenka_Ciraaq (2)

Sidoo kale, Ayad Allawi oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in markii ugu horreysay uu booqasho ku yimaado Somalia, isla markaana ay ka go’an tahay in uu ka shaqeeyo xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Madaxweyne_ku_xigeenka_Ciraaq (8)

Raysal Warsaare  Sharma’arke ayaa isagana Tilmaamay inay muhiim u tahay Somalia Booqashadaan uu maanta Muqdisho ku yimid wafdiga uu hoggaaminayo Allawi ee ka socda Dalka Ciraaq.

Madaxweyne_ku_xigeenka_Ciraaq (5)

Kulanka dhexmaray Ayad Allawi iyo Madaxda Somalia ayaa waxaa looga hadlay Xoojinta Xariirka labada Dal iyo sidii Somalia iyo Ciraaq ay isaga kaashan lahayeen La-dagaallanka Argaxisada iyo sidii dowladda Ciraaq ay gacan u siin lahayd dowladda federaalka Somalia.

Madaxweyne_ku_xigeenka_Ciraaq (11)

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Dalka Ciraaq, Ayad Allawi ayaa wuxuu sidoo kale booqday dhismaha Baarlamaanka Somalia, halkaasoo uu hadal aad u kooban ugu jeediyay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo sheegay in Somalia iyo Ciraaq uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan.

 

Madaxweyne_ku_xigeenka_Ciraaq (9)

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha baarlmaaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna la hadlay xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay inay u tahay sharaf weyn Baarlamaanka Somalia inay soo dhaweeyaan Ayad Allawi.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here