Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland oo Da’yarta u Sharxay Waxay Dowladnimadu Tahay

0
1561
Wasiirka Horumarinta Biyaha ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore)

“Dowladnimadu waa masuuliyad wadareed ka samaysan iskaashi bulsho oo ku salaysan maamul, waarayn iyo kala dambayn sharci”

Hargeysa,(HargeisaPress)— Wasiirka Horumarinta Biyaha ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa dadka da’yarta ah si kooban ugu sharxay dowladnimada iyo hannaanka ay u shaqayso.

Qoraal uu Wasiir Saleebaan Cali Koore ku faafiyey face-book-giisa oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay, waxa uu ciwaan uga dhigay; “Baraarujin dhallinta iyo qeexid kooban.” Waxa uu kaga hadlay dowladnimada, isagoo dardaaran iyo tallooyin badan u jeediyey dhallinyarada reer Somaliland.

“Dowladdu waa hab-dhis (system) ka kooban unugyo habaysan oo xukuma, ilaaliya, xadeeya, xalliya oo dabra dhammaan hab-dhaqanka bulsho meel ku wada nool, una yeela bulshadaas calaammad (sooc/flag) ay kaga duwan tahay bulshooyinka kale ee la dariska ah ama dunida kula nool.

Dowladi waa dad leh dal cayiman oo uu ka jiro maamul ku dhisan sharci, lehna awood sharcigaas lagu fuliyo. Dowladnimada ama dowladdu waa masuuliyad wadareed ka samaysan iskaashi bulsho oo ku salaysan maamul, maarayn iyo kala dambayn sharci oo bulshadaasi isla fahantay inay ku wada noolaato, horumarna ku gaadho.

Waa in yar oo kooban oo ka mid ah qeexista dowladnimo, iyadoo ay ballaadhan tahay mincaha dowladnimo oo aynaan ku soo koobi karin qoraalo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxaannu intaas ku daray; “Dhallinyarada waxa aan kula talinyaa si ay aqoontooda iyo garaadkooda kor ugu qaadaan in ay wax badan ku bartaan si iskood ah (self study), baadhaan oo bartaan aqoonta guud ee kala duwan. Barashada micnaha dowladnimada, dastuurkooda iyo sidoo kale waajibaadka saaran ee qofku leeyahay, laguna leeyahay. Waxa ay idinka caawinaysaa soo bandhigidda fikiraddiina iyo faalooyinkiina. Sidoo kale waxay muhiim idiinku tahay in aad ka qaybgeli kartaan ama ka qaybgeli karto doodaha iyo nidaam kasta oo wada-lahaansha ah.

Waxa aad waqti u haysataa inta aad dhallinyarada tahay oo wax badan oo aad maanta jaanis ama fursad u haysato oo waqtigu kuu saamaxayo, ayaa laga yaabaa in aad berri waqti u waydo, laakiin waqtiga aad imminka haysato ka faa’iidayso.

Maanta aqoontii waa la soo koobay oo waxa aad aqoon iyo ogaansho badan oo daafaha dunida iyo hannaan-socodka cilmi aad kula socon kartaa alaaddan “Internet-ka.” Wuxuu kuu saamaxayaa in aad baadhis ku samayso oo aad ogaato wax walba oo dunida ka mid ah iyo aqoonta kala duwan ee aadamuhu soo kordhiyey waqti xaadirkan. Baro oo baadh, ogow oo kobci garaadkaaga iyo maankaaga oo ugu talogala in aad soo bislaato, si aad dunida iyo deegaankaagaba aad wax ugu soo kordhin karto.

Fiiro gaar ah: Dhallinyarada iga codsata badnaa waanooyinka iyo dhiirigalinta ay i soo bidaan waxaan leeyahay mar walba wixii dhiirigalin ah ee shaqsiyan dhankayga waan idinla wadaagi doonaa, Insha Allaah,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore).

HargeisaPress.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here