Wasaaradda Hawlaha Guud oo Ayaan-darro iyo Habaar ku Tilmaantay Hadallo Laga Faafiyey Xaaladda Caafimaad ee Wasiirkooda

0
992
Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi PHOTO FILE

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud oo ku baaqay in aan la siyaasadayn xannuunada la soo dersa madaxda Somaliland + fariin ay si gaar ah hawada ugu mariyeen xisbiga WADDANI

Hargeysa,(HargeisaPress) —Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa wax lala yaabo oo ayaan-darro ah ku tilmaantay warar uu xisbiga WADDANI iyo qaar ka mid ah saxaafaddu ka faafiyeen xaaladda caafimaad ee Wasiirkooda Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi.

Hadalka ka soo baxay Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud shalay, waxa uu ka dambeeyey markii ay soo baxeen warar lagu faafiyey baraha xidhiidhka bulshada (Social Media) oo lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi si gaar ah u booqday Wasiirka Caafimaadka oo cusbitaalka Hal-door ee Caasimadda Hargeysa loo dhigay xannuunka faaligga oo ku soo booday toddobaadkan, halka sidoo kale aannu ka ag-wareegin Wasiirka Hawlaha Guud oo ay xuseen inuu xaalad caafimaad u yaalo cusbitaal kale oo Hargeysa ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddida Anshaxa ee xisbiga WADDANI Mr. Cali Axmed Cabdi (Cali Cartan) oo waraysi kooban siiyey telefiishanka Eryal TV maalintii Salaasada, ayaa sheegay inuu cusbitaalka ku booqday Wasiirka Hawlaha Guud oo uu tilmaamay inuu ku jiro xaalad caafimaad oo adag, waxaannu yidhi; “Wasiirku wuu xannuunsanayaa oo xannuunadana lama sheego magacyadooda, laakiin Wasiirkaasi aad ayuu u dayacnaa oo xummad badan ayaa haysay, wuxuunna u baahnaa dhakhtar, inkastoo ay reerkiisu geeyeen, cid dowladda ah oo fadhiday oo hareero fadhiyeyna maanu arag.”

Hasa yeeshee, Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo Guriyeynta ee Wasaaradda Hawlaha Guud Eng. Maxamuud Maal Cali oo la hadlay telefiishanka SAAB TV shalay, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay wararka dacaayadaha been-abuurka ah ee uu xisbiga WADDANI ka sheegay xaaladda caafimaad ee Wasiir Cabdirashiid Ducaale Qambi, isagoo sheegay in aanu jirin xannuun Wasiirka loo dhigo cusbitaal.

“Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud kuma jiro xaalad caafimaad oo adag, aadna wuu u fiican yahay, xannuunka haleenayna maaha xannuun sii fog ee waa hargab, dhib haysataana ma jirto, cusbitaal la geeyey oo la dhigayna ma jiro, baadhitaannada guud mooyaane, wuxuunna ku sugan yahay gurigiisa. Waxa la geliyey social media-yaha (baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee internet-ka) oo la is garab dhigay Wasiirka Wasaaradda Caafimaad oo uu haleelay xannuunka faaligu (stroke) iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo hargab u jiifa,” ayuu yidhi Eng. Maxamuud Maal Cali.

Waxa kaloo uu sheegay in masuulka ka tirsan xisbiga WADDANI ee saxaafadda la hadlay uu hawlo isaga gaar u ah ula tegay Wasiirka Hawlaha Guud, balse aannu ujeedo caafimaad u soo booqdan, isla markaana uu Wasiirku isla markiiba u dhameeyey hawshii uu u socday masuulkaasi.

“Dadka siyaasad ka deyaya xannuun haya qof bani’aadam ah, ha cuslaado ama ha fududaado waa mid mushkiladeeda leh. Waxa jirta niman masuuliyiin ah oo xisbiga WADDANI ah oo u tegay Wasiirka, kuna sheegay inuu ku sugan yahay xaalad aad u cakiran oo xun. Nimankaas waxa aannu u sheegaynaa in masuulka u hadlay xisbiga WADDANI ee u tegay in aannu booqasho ugu tegin Wasiirka, balse uu ula tegay hawlo gaar ah oo uu ka lahaa, waannu u soo dhameeyey Wasiirka Hawlaha Guud hawshii uu ugu tegay masuulkaasi, waxaannu u tegay isagoo fadhiya daaradda gurigiisa oo caafimaad qaba oo aan wax balaayo ah qabin oo ay la joogaan Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud. Markaa ma garanayno meesha uu ku arkay Wasiirka oo dayacan oo ku jira xaalad caafimaad oo dayacan,” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Agaasimaha Waaxda Dhulka ee Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa sidoo kale sheegay in labada Wasiir ee Caafimaadka iyo Hawlaha Guud ay ka wada tirsan yihiin Xukuumadda Somaliland, isla markaana ay arrin waajib ah ahayd in Madaxweynuhu booqdo Wasiirka Caafimaadka ee uu xannuunka adag haleelay, balse aannu Wasiirka Hawlaha Guud ku jirin xaalad keenaysa in Madaxweyne ku booqdo.

Geesta kale, warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa lagaga hadlay xaaladda caafimaad ee Wasiirkooda, waxaannu warsaxaafadeedku u qornaa sidan;

“Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi wuxuu ku suganyahay xaalad caafimaad middii ugu wanaagsanayd, dhib iyo xannuun laga dayriyo midna ma hayo, mana yaalo, lamana dhigin cusbitaalada ku yaal Hargeysa, wax dhakhtar loo dhigaana ma hayaan. Kaliyaata hargab fudud ayaa haleelay, wuxuunna joogaa hoygiisa uu ka degan yahay Magaalada Hargeysa. Nasasho iyo fasax ayuu ku jiraa,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Waxaannu intaas raaciyey; “Waxa aannu ka xunnahay ereyada deel-qaafka leh ee masuuliyiinta Xisbiga WADDANI hawadda soo mariyeen. Ayaan-darro iyo anshax-xumo weeyi in wax laga dayo oo xannuun lagu sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, isla markaana loo sahadiyo xannuun aan hayn, ciddii tidhi warkaas iyadda ayey ku maqantahay.

Xisbiga WADDANI waxa u yaal inay buuxiyaan kaalinta mucaaradnimo ee ay banneeyaan, waxaanna ugub ah in ah habaaraan, isla markaana xannuun iyo dhibaato u sahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda. Guddoomiyaha Anshaxa ee Xisbiga WADDANI ee maanta ereyadaasi ka soo yeedhaan waanu ka xunnahay inuu noqdo dhallankii hooyadii dhalmada baray.

Waxa aannu ugu baaqaynaa warbaahinta madaxabannaan inay ka waantawdo wararka been-abuurka ee ay baahinayso, waanu ka xunnahay in aad siyaasadeysaan qof xannuunsanaya, isla markaana ay ka dayaan isku-dir iyo borobogaando. Cayda iyo qadaf lagula kacayo Madaxda Qaranku maaha madaxbannaansho warbaahineed,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka Gobollada ee Wasaaradda Hawlaha Guud ee Jamhuuriyadda Somaliland Mr. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Wirdaani.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here