Waa Kuma Sarkaalka Bixiyay Amarkii Lagu Horjoogsaday Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI?

0
1619
Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle

From Macallin To Gaashaanle Dhexe! Waxa ay ahayd 07dii Mey 2017ka markii wefdi ka socda Xisbiga Waddani oo ku mid yahay Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Saraar laga horjoogsaday in ay kaalmo gaadhsiiyaan Cusbitaalka Guud ee magaalada Caynabo. Taasna waxa lagu sheegay amar uu bixiyay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Saraar Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle.

Waxa aan muddo dheer aqaannay Mursal Warsame Sugulle oo ahaa macallin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaanu bare ka noqday dugsiyo ay ka mid yihiin Gacan-libaax iyo Dayib-Gurey. Hilaad ku siman 2009ka ayaa aan arki jiray isaga oo gelaya Saldhigga Axmed-Dhagax, halkaasna waxa uu u fadhiisan ciidanka nabadgelyada waddooyinka.

Anigu markaas waxa aan macallin ka ahaa Dugsiga sare ee Aljasiira oo dhismihiisu ku dhegsan yahay Saldhigga Waaxda Axmed-Dhagax ee Caasimadda Hargeysa. Ma uu ahayn qof xil haya, waxa uu se u shaqaynayay sidii karraani wax u qora ciidanka nabadgelyada waddooyinka Somaliland. Laakiin markii ay Xukuumadda KULMIYE talada la wareegtay ayuu ku durkay xagga booliska, illaa uu ka gaadhay jago loogu gacal-miisay.

02dii March 2014ka oo la helay meydka haweenay lagu nolol-aasay bariga Hargeysa ayaa aan ogaaday in Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle uu ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska ee Bariga Hargeysa. Falal uu sameeyay xilligii la baadhayay kiiska Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle ayaa sababay in shaqada laga caydhiyo. Waxa uu dhawr jeer sii-daayay gacan-ku-dhiiglihii dilka fulisay oo lagu soo xidhay saldhigga New Hargeysa. Aniga oo u riyaaqay xil-ka-qaadistiisa, waxa la-yaab igu noqotay in aan arko isagii oo loo magacaabay kaalin ka culus halkii uu hore ugu fashilmay.

Waxa ay ahayd 20kii Disember 2016ka markii aan arkay Mursal oo haddana ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Saaxil, kolkaasna waxa aan booqasho ku tegay magaalada Berbera. Waxa aan indhaha saaray isaga oo jooga Maxkamadda Gobolka Saaxil iyo xafiiska duqa Berbera, waxaana dhararaarahaas taagnaa muran ka aloosan masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Berbera oo ay isku hayeen Culimada Qaaddriyada iyo qoyskii uu awowgood/aabbahood masaajidka dhisay ee reer Xaaji Yuusuf Iimaan.

Ayaamahaas waxa uu muran weyni ka dhexeeyay Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle oo diiday in uu tallaabo ka qaado dad uu ganacsade caan ahi si sharci-darro ah u dejiyay dhul ku yaalla magaalada Berbera. Falkaasna waxa si weyn uga biyo-diiday Maayarka Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Ciddin). Xilliyada qaarna waxa la ii sheegay in uu dagaal gacan-ka-hadal ahi uu dhex maray Duqa Berbera iyo Taliyaha Booliska ee Gobolka Saaxil. Dadweynuhu waxa ay sarkaalkan ka bixinayeen cabashooyin kala duwan.

Isku shaan-dhayn lagu sameeyay hoggaannada iyo taliye-qaybeedyada ciidanka Booliska Somaliland dabayaaqadii bishii hore (Abril 2017) ayaa Mursal Warsame Sugulle loogu magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Saraar. Amarkii kowaad ee uu bixiyayna waa diidmada kaalmadii loo waday dadka tabaalaysan ee ku jira dhakhtarka Caynaba. Macallinka noqday Gaashaanluhu waxa uu cusbitaalka moodayaa fasalkii uu maamulka ahaa ee uu ardayda ku odhan jiray “Joog. Soo gal. Fadhiiso. Aamus. Bax” IWM.

Gaashaanle Dhexe Mursal Warsame Sugulle waxa uu tusaale u yahay caddaaladda lagu bixiyay derejada ciidanka Booliska Somaliland. Waa macallin illaa gaashaanle. Isaga oo aan lahayn aqoon iyo waayo-aragnimo dhinaca askarnnimada ah ayaa loo taxay billado iyo garaaddo waaweyn, halka dad badan oo kaalintan u qalmayay aan wax qaddarin ah la siinnin.

Maadaama oo uu ciidanka boolisku yahay meel sidan fudud looga gaadhi karo dallacaad, waxa aan diyaar u ahay in ku biiro ciidanka Booliska. Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan waxa aan leeyahay, “Abti diyaar ayaan u ahay in aan kula shaqeeyo, haddii aad igu maamuusto Gaashaanle Sare. Xilal badan ayaan ka qaban karaa Ciidanka Booliska”

Qallinkii: Siciid Maxamuud Gahayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here