Madaxweyne Trump Oo Shaqadii ka eryey Agaasimihii FBI-da, James Comey

0
1304
James Comey, FBI chief

WASHINGTON — Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa eryey Agaasimihii FBI-da, James Comey. “Maanta wuxuu madaxweyne Donald J Trump, ku wargeliyay Agaasimaha FBI James Comey, in shaqadii laga eryay,”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay aqalka cad.

Aqalka cad ayaa sheegay inay Agaasimihii FBI-da lagu eryey soo jeedin ka timid Xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka. Waxaanay intaas ku dareen in beddelkiisii dhakhso loo magacaabi doono.

Waraaqda Trump xilkii kaga qaaday Mr. Comey, waxa lagu yidhi; “Ma tihin mid si wax ku ool ah u hoggaamin kara Hoggaanka FBI-da.”

Ninkan la eryay waxa lagu eedeynayay inuu gacansaar la lahaa Donald Trump, muddadii lagu gudojiray doorashadii madaxtinimada Maraykanka oo uu farogeliyay Hillary Clinton.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here