Taliyihii Hore ee Sirdoonka Burundi Oo Shaqada Ka Eryey Madaxweynihii Dalkaas Ee Xilka Isku Dhejiyey

0
806

Bujumbura, (HargeisaPress) — Taliyihii hore ee sirdoonka dalka Burundi ayaa sheegay in uu eryey madaxweynihii dalkaas Pierre Nkurunziza, oo dadaal ugu jira sidii mar saddexaad loogu soo dooran lahaa xilka madaxweynenimo ee dalkaas, arrintaas oo dalka ka kicisay kacdoonno rabshado wata oo maalmihii u dambeeyey ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, dad 50 kun gaadayaana ku baro-kaceen.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo ururiyey haayado wareed oo uu ka mid yahay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa sheegaysa in Major Janaraal Godefroid Niyombare, oo saddex bilood ka hor uu madaxweyne Pierre ka qaaday xilka taliyaha sirdoonka, uu warfidiyeenka u sheegay in uu wado qorshe uu xukuumad ku-meel-gaadh ah ku soo dhisayo isaga oo la kaashanaya, bulshada rayidka ah iyo hoggaamiyeyaasha diinta iyo siyaasadda, isaga oo sida sheegay in uu ka mid yahay guddi badbaado qaran ah oo uu ku magacaabay guddida is-fahamka qaranka, “Guddida abuuridda is-faham qaran, ayaa markii ay aragtay kibirka iyo diidmada qayaxan ee uu madaxweyne Pierre kala hor yimid bulshada caalamka ee kula talisay in uu tixgeliyo dastuurka iyo heshiiskii nabadda ee Caruusha, waxa ay go’aan ku gaadhay in ay xilka ka erido madaxweynaha iyo xukuumaddiisaba” ayaa uu Niyombare ku yidhi, warfidiyeenka isaga oo ku sugnaa xero milateri. Warkaas oo isla markii uu dibadda u soo baxayba  sababay in kumannaan dadka dalkaas ahi ay isugu soo baxaan shaaracyada caasimadda Bujumbura, si ay ugu dabbaal degaan afgembigan, wararka qaarna waxa ay sheegayaan in warkani uu sababay in ciidamadii booliiska ee dibad-baxayaasha ka hortegeyey ay ka tagaan goobihii ay ku sugnaayeen. Laakiin weli ma cadda in Niyombare uu taageero ka haysto ciidamada dalkaas oo illaa hadda meel dhex-dhexaad ah ka taagnaa dibad-baxyada lagaga soo horjeedo madaxweynaha oo u dhexeeyey booliiska iyo dadka muwaadiniinta ah.

Picture39-300x164

Si kastaba ha ahaato ee qaar ka mid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha ayaa bar-kulanka bulshada ee internet ka ee twitter ku sheegay in warkaas Janaraalku uu yahay waxba kama jiraan iyo hadal kaftan u dhigma. Madaxweyne Pierre oo dalka Tanzania ugu maqan shir arrinta dalkiisa la xidhiidha oo ay ugu yeedheen madaxda dalalka Bariga Afrika ayaa sheegay in uu dadkiisa la hadli doono marka uu dhaqso dib ugu noqdo.

Dibadbaxyo rabshado wata ayaa 25kii bishii April ka qarxay dalka Burundi kadib markii xisbiga talada dalkaas hayaa uu ku dhawaaqay in madaxweyne Pierre uu yahay murashaxooda uga qayb galaya doorashada qabsoomaysa bisha dambe ee june. Dadka ka soo horjeeda madaxweyne Pierre ayaa ku doodaya in is-sharraxaaddiisu ay burinayso dastuurka oo qaba in madaxweynuhu laba xilli uun talada qaban karo, laakiin dhinaca madaxweynaha ayaa ku doodaya in labada xilli ee uu taladda hayey kii hore uu ahaa xilli aanu dhaqangal noqon dastuurka dalku oo uu ku yimid doorashada golaha baarlamanka, taas oo ka duwan habka dastuurku dhigayo ee ah in dadku toos u soo doortaan madaxweynaha. Dalka Burundi waxa uu soo maray 12 sano oo ah dagaallo sokeeye oo dhiig badani ku daatay ay dhex mareen qawmiyadaha Tutsi iyo Hutu ee dalkaas wada dega, waxaana ku naf waayey muwaadiniin tiradoodu kor u dhaaftay 300 oo kun oo ruux. Madaxweynaha oo isagu ka soo jeeda qawmiyadda Hutu oo dalkaas ku tiro badan ayaa si aad ah uga madax adaygay cadaadis caalamiya oo lagaga dalbanayo in aanu ka qaybgelin doorashada, dalalka reer galbeedka oo dalkaas ka bixiya kala badh miisaaniyadda qaranka, gaar ahana midowga Yurub oo kaba ku dhowaad kala miisaaniyadda qaranka iyo Maraykanka oo ciidamada caawiya ayaa si aad ah uga soo horjeedsaday damaca madaxweyne Pierre, waxa aanay ku dhaliileen in uu qaadayo tallaabooyin dalkaas ku celin kara xasaradihii iyo colaadihii sida dirqiga ah lagu joojiyey sannadkii 2006da.

Dhinaca kalana, Ergeyga Midowga yurub u qaabilsan gobolka harooyinka waaweyn ee Afrika oo dalka Burundi ku jiro Koen Vervaeke ayaa sheegay in EU o ay ahayd in ay bixiso 6 Milyan oo Yuuro oo ka mid ah 8 Milyan ee ku baxayaa doorashooyinka dalkaas ay imika go’aan ku gaadhay in ay joojiso, haddii aanu madaxweyne Pierre ka noqon go’aankiisa murashaxnimo, haddii kale aanu dib u dhigin waqtiga doorashadu qabsoomayso si arrimaha taagan xal loogu raadiyo.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here