Sudan, Masar & Itoobiya oo ku heshiiyay inay wadaagaan biyaha Webiga Nile

0
940

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Sudan, Masar iyo Itoobiya ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in ay heshiis ku gaareen inay wadaagaan biyaha webiga Nile, iyadoo Itoobiya ay sheegtay inay dib u billaabayso biyo xireenka ay webiga ka dhisayso.

“Heshiis buuxa oo ku saabsan isticmaalka biyaha Nile-ka bari ayaan maanta wada gaarnay saddexdeenna dal, iyadoo Itoobiya ay dib u billaabayso dib u dhiska biyo xireenkeeda,” ayuu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Suudaan, Ali Karti.

Sidoo kale, Ali Karti ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen saddexda wasiir arrima dibadeed ee Sudan, Itoobiya iyo Masar ayaa intaas ku daray in heshiiskan ay u gudbin doonaan madaxda saddexda waddan si ay u ansixiyaan,

Wadahadallada ay heshiiskan ku gaareen waddamadan ayaa Talaadadii hore ka furmay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan, iyagoo diiradda saaray sidii ay biyaha webiga Nile u wadaagi lahaayeen, waxaana heshiiskan uu u yahay xal khilaaf muddo dheer socday oo ku aaddan isticmaalka biyaha Nile.

Masar ayaa baqdin weyn ka qabta in dhismaha biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameynayso webiga Nile uu sababo inay ku yaraadaan biyaha webigan ee u gudbiya dalkeeda.

Itoobiya ayaa wadahadallo dhowr jeer laga yeeshay muranka biyo xireenka ay dhisanayso ayaa sheegtay inuusan biyo xireenka ay dhisayso uusan wax saameyn ku yeelan doonin biyaha gaaraya dalka Sudan iyo Masar.

Karti ayaa sheegay in heshiiskan uu saldhig u yahay xiriir cusub oo dalalkan ay ka gaareen isticmaalka biyaha Nile, balse ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo arrintan ku saabsan.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Masar, Samh Shoukri ayaa isna daboolka ka qaaday in heshiiskan uu furayo waddo cusub oo ay saddexdaan waddan ku wadaagayaan biyaha webiga Nile-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya, Tedros Adhanom ayaa isna dhankiisa sheegay in heshiiskan uu u furayo saddexda waddan baal cusub oo saldhig u noqonaya wadaagga biyaha webiga Nile oo saddexdan dal mara.

Xukuumadda Itoobiya ayaa sannadkii 2013-kii sheegtay inay Nile ka dhisayso biyo-xireen dhererkiisu gaarayo 6,000MW, kaasoo noqonaya midka ugu dheer Afrika, kaasoo 2017-ka la dhameystiri doono.

Si kastaba ha ahaatee, wasiirka khayraadka Masar ayaa sheegay in wadamada Suudaan iyo Mashar ay walaac weyn ka qabaan heshiiskan maanta la gaaray, kaasoo qorshihiisu yahay in lagu wadaago biyaha webiga Nile.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here